Urur Siyaasadeed Horseed

Ka Wikipedia

Urur Siyaasadeedka Horseed Waa urur ka jiro Somaliland. Ururkaan waxaa lagaga Dhawaaqa Gobolka Togdheer Dhamaadkii Sanadkii 2007. Xiligaa oo ay soo Ifbaxeen Dhaqdhaqaayo laga soo horjeeday Siyaasadii Xisbigii Xiligaa Xukunka somaliland Haysay ee Udub. Hadaba Xiligaa Rag Dhalinyaro ah oo Runtii Ka dhiidhiyay Siyaasadda Daahir Riyaale kaahin iyo Takoorka Ay kala kulmeen Tastuurkii Dalka oo Haba yaraatee aan waxba ugu Ogalayn Talada dalka ama Xukunka Dalka, Waxaa Xiligaa laga Daremay dhamaanba Gobolada Somaliland. Dhaqdhaqaaqa Dhalinyarada Reer Somaliland Wadaan ee Xaga Siyaasadda iyo isbedelka Mar walba la filan karo ee ku waajahan dhalinayrada dalka. Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Somaliland, Waxaa lagu xasuusan doonaa Halgan dheer oo ay ku soo jireen mudo dheer kaas oo aakhirkii u suura gelisay Inay furaan Xeerkii hortaagnaa dhamaan dhalinyarada Reer Somaliland, waxaa kale oo uu ku guulaystay inuu Furo Ururada Kaas oo dagaal ba'an ka soo galay DHowrkii sano ee lagu jiray Arimahaas. Urur Siyaasadeedka Horseed Waxaa lagu xasuusan doonaa Taariikh Wacan iyo magac Dheer oo dhalinyarada Reer Somaliland ku dayan doonaan Shantan Nin iyo Qaar kale oo badan oo dhamaantood Wada Ah Geesiyaal U dhiidhiyay Inay Dabarka ka jaraan Ubaxa dalka ee laga xakameeyay Taladdii dalka Somaliland.

Waxaa iyana Xiligaa La aas aasay Urur Siyaasadeedkii Qaran ee dhowrka jeer Xuub siibtay ee hogaankiisuna ahaa Dr gaboose, waloow la odhan karo Ugu horayntii Qaran iyo Horseed isku hadaf bay ahaayeen.

Waxaa aynu ka tilmaami karnaa Aas aasayaashii Urur Siyaasadeedkaa Horseed oo Runtii aynu odhan karno waxay Somaliland iyo Dhalinyarada dalka u horseedeen Inay ka dhex tartamaan Asxaabta ugu waa wayn dalka Somaliland isla markaana kaba soo baxaan dhamaan Hay'adaha dalka.

Mr. C/Risaaq Maxamuud Jaamac Aar Mr. C/Rashiid Faarax ISmaaciil Mr. Bshiir Xirsi Nuur Mr.C/risaaq Siciid X Axmed Mr.C/Xakiim Cawil X aadam iyo Rag kale oo badan oo sharaf iyo Cisi ku naaloonaya maanta.