Ururka Aftahan

Ka Wikipedia

Ururka Aftahan Org

Ururka Aftahan (aftahan organisation) waxa la aasaasay horraantii 2001-dii, isagoo ku hawl geli jirey darka ama mareegta internetka ee www.aftahan.com Archived Agoosto 18, 2016 // Wayback Machine. Darkaas oo ku hawlannaa, akhristayaashiisana ku soora dhuuxa iyo nuxurka macaan ee suugaanta, dhaqanka iyo afsoomaaliga ayaa waxa uu haatan u xuub-siibtey urur dhaqameedkan AFTAHAN iyadoo sannadkan 2004 si rasmi ahna loo sharciyeeyey.

Ereyga uu magaca ururku saanyadey ee 'aftahan' oo macnihiisu muujinayo cod-karnimada, aqoonta shishe ee xeel-dheerida afka, suugaanta iyo dhaqanka ayey ku sargo'an tahay waxqabadkiisa iyo himilooyinkiisa horumarineedba. URURKAN AFTAHAN waxa uu ku mashquulsan kocbinta, korinta, kaabbidda iyo kaydinta dhaqanka, afka iyo suugaanta soomaalida. Waxa aanu door muuqda ka soo qaatay Socdaalkii Nabadda ee Hadraawi hormuudka u ahaa isagoo ururkan waabkiisu warsaxaafadeed iyo wacyi-gelinta u ahaa socdaalkaa taariikhiga ahaa, wada shaqayn wanaagsanna la sameeyey ururadii kale ee isu xilsaaray arrintaas. Ururkan Aftahan waxa uu ahaa ururkii ugu horreeyey ee dhaqan geliya himilooyinkiisa si toos ah iyo si dadbanba, waxa uu qayb libaax ka qaatay horumarinta iyo kaydinta suugaanta, iyo soo bandhigidda hiddaha iyo dhaqanka, dhiiri gelinta dhigaallada iyo dhigmayaasha (buugta) waxa kale oo intaas u dheer dhiiri gelinta.