Ururka Murtimaal

Ka Wikipedia

http://murtimaal.com/ Sannadkii 2008 ayaa xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay lagaga dhawaaqay bahda hiddaha iyo dhaqanka dhalinyaradda Murtimaal, waxaana xafladaas lagu qabtay magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland, xafladaasi oo ahay mid ay ka soo qayb galeen dhammaan xisbiyada siyaasadda, ururada Bulshad, iyo madax dhameedo, sugaanyahano suugaanta ku xeel dheer iyo marti sharaf kale, waxay ahayd maalintasi markii dhidibada loo taagay ururka Hidaha iyo dhaqanka ee Murimaal. Isla maalintaas waxaa la isla qiray in loo baahna mar horeba in la sameeyo urur dhalinyaro oo heegan u ah ururinta dhaqanka afka iyo hiddah Soomaliga, ugu horrayna halkaas waxa hadal kooban ka jeediyey guddoomiye ku-xigeenka xisbiga kulmiye Muj: Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in ururkaas ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta dhaqanka iyo sugaanta, waxaa isna madasha ururka lagaga dhawaaqay ka hadlay wakhtigaas, xoghayaha guud ee xisbiga Udub Yaasiin Jaamac Faarax oo isna sidaa iyo si leeg qiray in ururkan loo bahna isla markaana wakhtigaas gubaabo u jeediyay dhalinyaradda, halka Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ah Murashaxa Madaxwayne ku-xigeenka xisbiga Ucid uu sheegay inay garab gali doonaan ururkan cusub ee hidaha iyo dhaqanka, loolaanka siyaasadeed ee ururka Murtimaal lagu kala jiidanaayo waxaa uu keenay kalsooni ay ka qaateen dhalinyarta qurba jooga ah iyo kuwa dalka gudihiisi ku sugan ee ka tirsan ururkan, oo taageero buxda la garab galay, laakiin ururka murtimaal siyaasadday qaateen ayaa noqotay inay u dhaxeeyeen saddexda xisbi qaran, oo aanay wax siyaasadda ku lug leh nay yagu galin, maadama oo ay yihiin urur dhaqan waana waxyabaha ay hore ugu talaabsadeen.


Muqaalada Shirarkii ay qabteen Dhalinyaradda Ururka Murti-Maal Bahda ururka Murtimaal oo xaflado aad loola dhacay ku qabtay waddamada Hindiyo, Masar, Malaysia, iyo Somaliland, waxay dadweyanha waddamada ku dhaqan u soo bandhigeen sugaan faro badan oo ay kaydiyeen muddadaas yar ee ay jireen, taaso runtii ah horumar la taaban karo. Arrimaha ammaanta ay ku mudan yihiin dhalinyaradani waxaa kamid ah, Muddo haatan laga jooga sannad iyo badh ayey dhalinyaradda hiddaha iyo dhaqanka Murtimaal ay ku fikirtay inay aruuriso suugaanta dhalinta da’da yar ee soo koraysa, sababaha ugu waawayn ee ku kalifayna waxay ahayd, si loo helo jiil cusub oo bedela jiilashii hore ee waawayn, iyadoo aynu ogsoonahay in suugaan yahanadii iyo dhaqan yaqaankii ay hadda intooda noolina ay ku jirto da’da gabaabsiga ama ay meesha ka sii baxayaan.

Haddaba Murtimaal oo ay ku bahoobeen dhalinyar badan koodu hadda jaamacadaha ku jira khasatan qolayaha dibadda ka tageera ururka oo kala jooga waddamada Sweden, Norway, UK, Holland, U.S.A, Canada, Malaysia, Masar, Bakistan, Indiya, Kenya, Ethiopa, Yaman, iyo Qadar, Iyo Waliba Dhulka Somaliland oo xubnaha ugu badani joogaan, waxay go’aan ku gaadheen si dhalinyarta ku dhaqan qurbaha ama ku dhashay ay u bari lahaayeen suugaantooda iyo hiddaha iyo dhaqankii hore ee ay lahaayeen, sabab taas ayay xooga u sareen, iyagoo dhalinyarteenii ay ku milmi donaan dhaqamo kale haddii aan laga gaadhin ama aan wax looga sheegin dhaqamada aynu leenahay. Taasna waxay kala socon donaan ururka Murtimaal iyo ururada kale ee sugaanta kaydiya, waxaa kale oo yana muhiima in dhalinyaradda qurbaha ku koray la geeyo meelay ka dalacan karaan dhaqankeena suuban.

Haddaba Ururkan Murtimaal oo dhalinyaradii fekradan keentay ay kamid ahayeen r, Axmed Riiraash, Cabdirisaaq Jamac Gaas Mucawiye, Khadar Ceerigabo (Bulxan), Maxamed Cumar Aadan, , iyo C/raxiim Khadar gaas , Sahra Maxamed Cali, (Sahra Ladan), Mustafe Cabdikarin Cali, Cabdirisaq Maxamed Cilmi , Abwaan Badeed, Abwaan Ubaxle, dhammaantoodna kala joga Malaysia Bakistan, India, iyo Hargeysa, runtii waxaa hadda ku soo biiray dhalinyaro kale oo badan iyo sugaanyahano aad u tiro badan, waxaana la odhan karaa waxay dhalinyaraddani sameyeen horumar ballaadhan oo xagga sugaanta ah. Waxaa aad uga faa´ideystay dhalinyaradda qurbaha joogta oo badanaa daawada suganta ay ururka Murti-Maal ku soo bandhigo aalada Youtube-ka loo yaqaan.



Waxaa kale oo xusid mudan in ururka Murtimaal wada shaqaynta uga balaadhan la leeyihin ururka qaban qaabiyaha Somaali week festival iyo Mooge Fastival iyo ururka kale ee la yidhaahdo redsea-online Haddaba maskaxdaada ma ku jirtaa Murti Maanso, Maah-maah, ,Gabay Geeraar, Jiifto, hees, Masafo, Buraanbur, Sheeko, iyo qaybaha suuganta ay ka kooban tahay oo dhan, haddii ay ku jiraan intaas mid uun ha moogaan in lagugu daro bahda Murtimaal, kuna soo hagaaji cinwaankooda oo ah editor@murtimaal.com

Waxaa warbixintaydan ku soo gababaynayaa inay bahda murtimaal ee hiddaha iyo dhaqanka dhalinyaradda ay ku bahoobeen dhammaan ardayda jaamacadaha dibadda iyo dalkaba waxa ka barta, iyo dhalinyarta u heellan dhaqanka iyo hidda raaca Somaliland.