User:Azania

Ka Wikipedia

Azania waa Dhulka Soomaaliyeed ee dhinaca koonfurta laga soo bilaabo Baledwayne ilaa iyo Kenya iyo Ithobiya xuduudahooda laga gaaro. Magacaan waxaa bixiyay Masaaridii hore oo dhulka Soomaaliyeed u soo baayacmushtari jirtay kuwas oo ka tirsanaan jiray Faraacintii Masar maamuli jirtay dhalashadii Nabi Ciise ka hor "NNK". Masaaradii markii ay yimaadeen dhulkii Soomaliyeed waxaa ay kula kulmeen laba shay oo kala duwan oo laga kala helay dhinaca waqooyi iyo dhinaca koonfureed. Dhinaca waqooyi waxaa ay ka heleen geedo udgoon oo aad u carafa oo ay u isticmaali jireen waxyaalaha udugga; halka dhinaca koonfureedna ay ka heleen Barwaaqo, Baad iyo biyo leh taas oo ay u bixiyeen magacaan "Azania". Dhinaca waqooyi ee Soomaliya waxay u bixiyeen "Punt" dhulkii udgoonaa, dhinaca kalena "Azania" dhulkii Barwaaqada ahaa.

Dhulkaan Azania waa inta u dhaxaysa labada Webi ee Soomaliya marta. Webi Shabeelle iyo Webi Jubba. waana dhulka ugu barwaaqada badan Soomaaliya oo ay ku noolaan karaan Dad iyo Duunyo. dhulkaan waxaa isaga soo dabamaray Boqortooyin maamuli jira ilaa iyo muddo badan, waxaa ka mid ahaa Boqortooyooyinkaas: Boqortooyada Geledi, Boqortooyada Ajuuraan iyo kuwa kale. Boqortooyooyinkaan waxaa ay ka mid ahaayeen kuwii ugu fican ee Soomaaliya soo mara gaar ahaan dhinaca koonfureed waxaana ay gaarisiyeen dhulki ay maamuli jireen hor mar siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho. Dhinaca waqooyi waxaa maamuli jiray Boqortooyadii Zaylac.