Jump to content

User:Fuad Khalif Abukar

Ka Wikipedia

Beesha Reer Haaji Shingaani


Reer Haaji waa beel ka tirsan dadka Banaadiri-ga ee ku nool xeebaha koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho (Shingaani).

Reer Haaji waxay asal ahaan ka soo jeedaan qoysas Carab ah oo ka yimid gacanka Carabta, gaar ahaan Yemen, kuwaas oo u haajiray Soomaaliya qarnigii 13-aad iyo 14-aad. Waxay degeen magaalooyinka xeebaha ku yaal, iyagoo door muhiim ah ka qaatay horumarinta ganacsiga iyo dhaqanka.

Beeshan waxay ka soo jeedaan gobolka Shabwah ee Yemen, waxaana la sheegaa inay ka yimaadeen magaalada Ataq ee Shabwah, iyagoo u haajiray Harar Ethiopia kadibna Soomaaliya-Mogadishu si ay u helaan fursado cusub oo nololeed.

Reer Haaji waxay degeen degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, taasoo ah mid ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee magaalada. Degmada Shangaani waxay leedahay taariikh dheer oo la xiriirta dhaqanka iyo ganacsiga, waxaana lagu yaqaan dhismayaasha dhaadheer iyo suuqyada firfircoon. Beesha Reer Haaji waxay qayb ka tahay bulshada Banaadiri ee ku nool degmada Shangaani, waxaana lagu yaqaan xirfadaha ganacsi iyo dhaqanka hodanka ah.

Waxaa la sheegaa in Reer Haaji ay u kala baxaan shan oday oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:

1. Saalim Haaji

2. Abdirahman Haaji

3. Mohamed Haaji

4. Shiiqow Haaji

5. Waafow Haaji

Reer Haaji ee Shingaani, Muqdisho, waxay asal ahaan ka mid yihiin qabiilada Aal Beyt-ka ee Soomaaliya, kuwaas oo sheegta in ay ka soo jeedaan farac ka tirsan qoyska Nabiga Maxamed (SCW). Abtirsiimadooda ayaa muujinaya xiriirka sharafeed ee ay la leeyihiin silsiladda diineed ee Islaamka, gaar ahaan faraca Reer Shariif Nuur ee reer Xasan bin Cali, oo uu awoowe u yahay Nabiga (SCW). Reer Haaji waxay Soomaaliya soo galeen boqolaal sano kahor, iyagoo wata dacwada diinta Islaamka iyo faafinteeda.

Asalka iyo Imaanshaha Soomaaliya

Xiriirka Ahlul Bayt: Reer Haaji waxay ka yimaadeen gobolka Shabwah Yemen ee dhulka Carabta, iyo sidoo kale magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina. Waxay ka tirsan yihiin Aal Xasaniyiin bin Cali Bin, kuwaas oo ka farcamay mid kamid ah labada wiil ee Cali bin Abi Daalib iyo Faadumo bintu Rasuulillah.

Soo Galitaanka Geeska Afrika: Qarnigii 12-aad ilaa 15-aad, Aal Beyt badan ayaa u haajiray Geeska Afrika sababo ay ka mid yihiin fidinta diinta Islaamka, ganacsi, iyo ka fogaanshaha dagaalladii iyo dhibaatadii ka jirtay dhulalka Carabta.

Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxay ahayd xarun muhiim ah oo ganacsi iyo diimeed, taas oo soo jiidatay Aal Beyt badan oo ku dhex milmay bulshada degaanka.

Degitaanka Shingaani: Markii ay yimaadeen Muqdisho, Aal Beyt badan ayaa deggay degmada Shingaani, taasoo ahayd meel muhiim ah oo ganacsi iyo bulsho ahaanba caan ah.

Reer Haaji waxay si gaar ah ugu sugnaayeen degaanka Shingaani, halkaas oo ay ka dhiseen guryo, masaajidyo, madrasooyin iyo Ganacsiyo.

Doorka Bulshada

Reer Haaji waxay si gaar ah ugu caanbaxeen saddex arrimood:

1. Diinta: Waxay ahaayeen culimo iyo macalimiin baray Qur’aanka iyo shareecada Islaamka. Waxay door weyn ka qaateen fidinta diinta Islaamka ee Muqdisho iyo hareeraheeda.

2. Ganacsi: Waxay ka mid ahaayeen ganacsatada waaweyn ee ka shaqeeya isdhaafsiga badeecooyinka, gaar ahaan badeecooyin ka iman jiray Carabta iyo Hindiya.

3. Maamulka: Waxay sidoo kale qayb ka ahaayeen maamulka bulshadii Shingaani, iyagoo u adeegsan jiray aqoontooda shareecada si ay u xalliyaan murannada bulshada dhexdeeda.

Sharaf iyo Aqoonsi

Xiriirka diineed iyo dhaqan wanaaga Ahlul Bayt, Reer Haaji waxaa loo aqoonsaday qabiil sharaf leh oo bulshada dhexdeeda laga xushmeeyo. Taariikhdooda waxaa lagu xasuustaa saameynta ay ku yeesheen dhinacyada dhaqanka, diinta, iyo maamulka Muqdishadii hore.