User:Gocosho

Ka Wikipedia

xasuuq gocosho mudan inta aad kala socotid ku dar

waxaa qoray .c/qaadir maxamud cilmi(caraaye)

Sida la wada ogyahay somaliya ayaa waxay kaalinta koowaad ka gashay dhanka dilista iyo xasuuqa wariyeyaalka laga soo bilaawo markii ay dhacday dowladii dhexe ee maxamed siyaad bare ayaa waxaa falal xadku dub ah lagula kacay wariye yaal farabada ku waas oo lagu ataagay arimo qabyaalada waxaa intaas u sii dheeratay bahda saxaafada in mudo dheer ka dib ay hadana ku habsatay musiibo wayn

taasoo lagu gumaadayo miskiin aan waxba galabsan qalin iyo buug gurigiisa kala soo baxay asagoo waliba aan dan gaar ah u socon oo bulshada u adeegayo hadaba waxaa is waydiin mudan 1991 wixi ka dambeeyay waxa lagumaaday wariye waxaana lagu gumaaday arimo qabyaalad 2005 ilaa maanta oo aan ku jirno 2014 yaa ugaarsado wariyahay yaana u maleego qorshee dileedka maskiinka aan qorayga wadan waxaa hubaal ah in mudadaaan la dilay in ka badan 100 wariye hadaan dib u gocono wariye yaalkii la dilay iyo taariiqihii la dilay waxay ahaayeen sidaan.

waa xasuuqii lagu gumaaday saxfiyiinta 2012 markuu sanadka ahaa

RSF ayaa wadanka sidaas u aqoonsatay kadib markii labo isqarxin ah ay ku dishay ugu yaraan 14 qof , kuwas oo ay ku jireen sadex wariye, dhaawacdayna 20 kale qaraxaas oo ka dhacay mukhaayad ku taala Muqdisho bishii Sebtember 20-keedii. Hal usbuuc ka dib, ayaa laba wariye oo kale lagu dilay magaalada caasimada ah.

Hay'ada Xuquuqda Aaadamaha Ilaalisa (HRW) ayaa ka codsatay dawlada cusub ee Soomaaliya in ay aramrto baadhitaan lagu sameeyo dilitaanka wariyayaasha .

"Wariyayaasha Soomaaliyeed ayaa markii horaba liiska dadka la yool beegsanayo meesha hore kaga jiray, kuwaas oo dhinacayada is haya oo dhan ay qayb ka ahaayeen xiligii dagaalka sokeeye uu wadanka ka socday," Leslie Lefkow, oo kuxigeenka madaxa HRW ee qaybta Afrika ayaa sidaas sheegtay Sebtember 24-teedii. "Dawlada cusub ee Soomaaliya ayaa samayn karta in ay joojiso qaabkan aadka u naxdinta leh iyada oo si deg deg ah ku amraysa in si aad ah loo baadho dilalkaas."

Tani ma aha markii ugu horaysay ee RSF ay ku dhawaaqday in aad looga taxadaro dhibaatooyinka ka dhanka ah wariyayaasha ee Soomaaliya. Sanadkii 2011 ayay ka dhigtay Soomaaliya wadanka ugu dilka badan Afrika ee dhinaca wariyayaaysha, iyada oo intaas ku dartay in 25 wariye lagu dilay Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 2007-2011.

Janaayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Xasan Cusmaan Cabdi oo loo yaqaanay Xasan Fantastic , meel u dhaw gurigiisa oo ku taala degmada Wadajir, oo ah koonfurta Muqdisho. Wuxuu ahaa madaxa hay'ada maxada banaan ee Shabelle Media Network. Madaxwaynihii hore ee Sharif Sheekh Axmed ayaa sheegay in al-Shabaab in ay mas'uul ka tahay dilka Cabdi.

Feebaraayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Abuubakar Xasan Kadaf, oo ahaa madaxii hore ee Idaacada Soomaaliwayn , meel duleedka gurigiisa ah ee Muqdisho.

Maarso 4-teedii: Wariye Cali Axmed Cabdi ayaa lagu toogtay laguna dilay aaga Gaalkacyo waqooyogeeda isaga oo gurigiisa u socda kana yimid Raadiyo Gaalkacyo oo uu u shaqanayay.

Abriil 5-teedii: Dad hubaysan oo aan la garanaynin ayaa dilay Mahad Salaad Aadan kuna dilay Baladwayne , isaga oo ahaa tafatiraha Codka Hiiraan oo ah radiyo maxali ah ahaana wariye u shaqeeya Raadiyo Shabeele oo muqdisho ku yaala. Wuxuu ka soo warami jiray dagaalada dhax mara al-Shabaab iyo kooxda Ahlu Sunna wal Jamaa oo dawlada la jaalka ah.

Maajo 3-deedii: Dad madaxa dooban oo hubaysan ayaa toogtay dilayna Farxaan Jeemis Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Raadiyo Daljir ee Gaalkacyo , isaga oo gurigiisa u socda.

Maajo 24-teedii: Dad hubaysan oo la garanaynin ayaa toogtay Axmed Cadow Canshuur oo ka tirsanaa Shabelle Media Network meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Dharkeenlay ee Muqdisho.

Jululaay 7-deedii: Cabdiqaadir Cumar Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Universal TV ee sida gaarka ah loo leeyahay , ayaa afar jeer xabbad ku dhufteen dad aan la aqoonin oo hubaysan meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Madiina ee Muqdisho, laakiinse wuu ka samatabaxay.

Juulaay 31-deedii: Wariyaha Soomaaliyeed ahaana maadayste Cabdi Malaaq Jaylaani, loona yaqaano Maarshaale , ayaa si halis ah toogu toogtay gurigiisa hortiisa ee degmada Waabari ee Muqdisho. Jaylaani ayaa u shaqaynayay dhawr xarumo idaacadood iyo talefishin, isaga oo ka qayb qaatay wax ka sheegida al-Shabaab.

Agoosto 12-keedii: Wariyaha ruug cadaaga ah, ahaana maamulaha xidhiidhka warbaahinta ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaadhsiinta Yuusuf Cali Cusmaan ayaa dilay nin aan la garanaynin kuna dilay xaafada Dharkaynlay .

Wariyaha Codka Dimuuquraadiyada Maxamuud Beneyste , oo 22 jir ahaa ayaa la dilay galabtii isaga oo sawirro ka qaadaya meel u dhaw Garoonka Muqdisho.

Sebtember 16-keedii: Dad aan la garanaynin ayaa dilay Sakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo ahaa qof madax banaan oo wax duuba , muqdisho ayaana lagu dilay .

Sebtember 20-keedii: Labo is qarxin ayaa dishay ugu yaraan 14 qof, dhaawacdayna 20 kale iyaga oo jooga mukhaayad ku taala Muqdisho. Sadex wariye ayaa lagu dilay weerarkaas : Liibaan Cali Nuur, oo ahaa madaxa qaybta wararka ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; Cabdisatar Daahir Sabriye, madaxa barnaamijta ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; iyo Cabdiraxmaan Yaasiin, madaxa Codka Dimuuquraadiyada oo ah xarun idaacadeed oo madax banaan.

Wariye afraad oo ah Xasan Yuusuf Absuge oo ka shaqeeya xarunta idaacada maxada banaan ee Raadiyo Maanta, ayaa kadib la dilay markii uu war ku saabsan ismiidaamaynta soo diray.

Sebtember 27-deedii: Jidh madaxa laga joogay oo ahaa Wariayaha ciyaaraha ee Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa laga helay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Cali ayaa waxaa qafaashay rag hubaysan meel u dhaw Suuqa Hilibka horaantii maalintaas. Wuxuu u shaqaynayay websitka wararka ciyaaraha ee Ciyaaraha Maanta.

Sebtember 28-deedii: Dad aan la garanaynin ayaa toogtay dilayna Axmed Fabdullahi Faarax , oo 32 jir ahaa kana shaqaynayay Hay'ada Wararka ee Yamen, waxaa lagu dilay xaafada Dharkaynlay.

Oktoobar 21-keedii: Laba nin oo hubaysan oon la garanayn ayaa xabadka ka toogtay wariyahaShabakadda Warbaahinta Shabeelle Maxamed Maxamuud Tuuryare xilli uu ka soo baxay masaajid ku yaalla Muqdisho salaaddii Maqrib kaddib. Tuuryare wuxuu dhaawacyada soo gaaray ugu geeriyoodayisbitaal ku yaalla Muqdisho Oktoobar 28-keedii.

Oktoobar 23-keedii: Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay Axmed Faarax Ilyaas oo magaalada waqooyi ee Laascaanood uga shaqaynayay taleefishanka madaxa bannaan ee saldhiggiisu yahay London ee Universal T