User:Hantooli

Ka Wikipedia

Dr.Cabdi Maxamed Axmed wuxuu ku dhashay Degmada Waaberi.Wuxuu waxbarashada quraanka ku qaatay Magaalada Muqdisho, wuxuuna dhigtay Dugsiga hoose iyo dhexe ee Siyaad ee Degamada Wadajir.Wuxuuna ka qeeybqaatay gurmadkii waxuuna soo dhameeystay laba sano oo tababar militari ah. 1986.

Dugsiga sarena waxa uu ku dhameeystay 15 may, wuxuuna dhameeyay 1984. wuxuu waxbarasho Jaamacadeed u aaday wadanka India. Wuxuuna halkaas ka bilaabay jaamacad, wuxuuna bartay cilmiga Siyaasada(Political Science). wuxuu laba jeer ku sameeyay takhasus Cilmiga Siyaasada oo uu ka qaatay shahaadada M.A. Political Science. Wuxuu ka soo shaqeeyay wadamo badan sida Jabuuti, Yemen, Imaaraadka, Holland iyo Ingiriiska. Wuxuu heeystaa khibrad maamul oo ilaa 19 sano ah.Wuxuu shahaadooyin kale ka qaatay Collegeyo ku yaalo Holland iyo Ingiriiska. Wuxuuna soo qabtay xilal badan sida macalin dhiga Bussiness Managment and Administration,Office Managament, Accountancy iyo Luqada Englishka.Maamule, Maamule ku xigeen,Gudoomiye Hay'ad ka Diwaangashan Wadanka Holland oo uu ka ahaa Gudoomiye mudo sadex sano ah. Waqtigaas wuxuu wax badan u qabtay Soomalida iyo dadka kale ee soo galay Wadanka Holland. Wuxuu sidoo kale dib u habeeyn ku sameeyay laba iskool oo yaala wadanka Soomaliya una iibiyay Kombiyuutaro iyo dabdhaliyayaal.

Dr. Cabdi Maxamed Axmed waa Musharax u taagan xilka Madaxweeynanimada Soomaliya ee lagu wado in la qabto Sanadkaan 2011. Musharaxa waa nin eey ku weeyn tahay Soomalinimada oo aan qabiil shaqo ku laheeyn, daacad ah aamin sana in Soomalida wanaag iyo walaaltinimo ku wada noolaato. Musharaxa waa nin daacad ah oo aan rajeeynayo in uu Soomaliya Cadaalad ku maamuli doono. Waxaana u rajeeynayaa Musharax Dr. Cabdi Maxamed Axmed Guul.