User:Maxamed Jaamac

Ka Wikipedia

Magaalda Jilib waa magaalada ugu weyn Gobolka Jubbada Dhexe, waxaa hoos yimaada tuulooyin badan, waxaa dega qabaa'ilada kala ah

Shiiqaal. Jiida. Dabare. Jareer.

Waxaa kaloo webiga tuulooyinka ku teedsan qabaa'ilka loo yaqaano Soomaali Jareer, halka tuulooyinka dhinaca bari iyo woqooyi ay degenyihiin beelaha, Jareer iyo Sheekhaal oo xoolo dhaqato iyo beeraleey ubadan.

Qabiilka ugu badan waa Shiiqaal. waxa maagalada gudoomiya ka ah Dahir Doore. Magaaladani waxay caan ku tahay beeraha. waana magaalo dad aad u fara badani ay ku noolyihiin. waxaana nawaxigeeda ku yaalla warshaddii Mareeyey ee sokorta iyo mashrucii Faanole ee bariiska waxayna ka kooban tahay 4 xafadood oo kala ah sidatan:

1. Faanoole. 2. Bandar-Jadiid. 3. Howl-Wadaag. 4. Waaberi.

Waxaa ku talla Kaniisad iyo buundo weyn uu Shinaha dhisay waxay ku tallaa xafaadda la yirahdo Manya-Gaabo.

Magala waxay shenteraal u tahay afarta waddo ee ka baxa ama soo gala, waxaana ku yaalla hoteello iyo shirkadaha isgarsiinta teleefoonnada sida,

Hormuud,

Nation & Telkom (Olyampic) .

Hoteelada waa Hotel Ganaane. Hotel Homboy. Hotel Guuleed.

Waxa kaloo jirta diinimadii dabka oo ku jirto tuulo Jilib hoos timaadda oo magaceda ah Maleendo. magaalada waxaa iska leh sheekhaal.

Magaaladu Jilib markii la joogo waxay Kismaayo kaa xigtaa dhanka koonfureed, markii Kismaayo la joogana waxay kaa xigtaa dhanka waqooyi. Waxay labadaas magaalo isku jiraan 120-Km. Gobolka Jubbada dhexe wuxuu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah.

1. Bu'aale. 2. Dajuumo. 3. Jilib. 4. Saakow

Hadda oo la joogo waxay xarun u tahay kooxda Shabaab oo xarunta ugu weyn u ah kooxdaas oo ku sugan gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada-Dhexe.

Diyaariye:- Maxamed Jaamac Faarax-Barre Email:- Mjfaarax@gmail.com