User:Wabxo

Ka Wikipedia

wabxo waa dagmo katirsan gobalka galguduud (waagii dowladihi horena hoostagi jirtay magaalada qadiimiga ah ee ceelbuur oo dhinaca bari uga beegan magaalada), wabxo balse waxay waynaatay oo dagmotay noqotay intii dalku burburka kujiray dowlad dhexe oo degmo kumagacaawdaahina majirin. magaaladu waxay leedahay isbitaal wayn, dugsi hoose dhexe, saldhig boolis, xarun dagmo iyo koronto (dab) galin. mashaariicda horumarineed ee ugu balaaran waxaa lagu sameeyay degmada sanadadii u dhexeeyay 2007-2009. degmada wabxo waxaa dhinaca bari uga beegan degmada ceelbuur,woqooina waxaa kajira guriceel konfur deeganka budbud galbeedna waxaa kaga beegan degmada maxaas, waxayna caan kutahay biyaha ama ceelasha taasoo aad arkeeyso ceel 1 mitir kayar oo sida barkadda biyaha looga darto. khayraatka ugu badan ee degmadu kutiirsantahay waa xoolaha nool sida geela lo'da iyo ariga waxaa kale oo degmadu aad caan ugu tahay fardaha.