User:Zakariye Abdirahman

Ka Wikipedia


Hadii aad aragto dal, shirkad ganacsi ama qoys dhisan oo guul iyo horumar ku talaabsanya waxa u sabab ah Hoggaanka wacan ee haystaan, hadii aad argto dal ama qoys faqriya ah, oo bur bursan waxaa ugu wacan horumar laantaasi waa hoggaanka xun ay haystaan. hoggaanku waa waxa kaliya ee saamantiisi ilaa heerka gaadhsiisan tahay.

Taasa ka dhigtay in hogaanka barshadiisu noqto waxyaabaha luugu hadal hayn badan yahay

Hadii aad Google waydiisa “ Leadership " waxuu ku soo saaraya 843,000,000 jawaabood.

hadii aad Amazon – maktabada ugu ee buugaagta lagu iibiyo – aad ku qorto "Leadership " waxaa kuu soo baxaaaya 100,000 buug oo ka ha hadaaalaya hogaaminta. Daraasad laga sameeyey shirkadaha dalka USA ku yaala ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ay tababaro iyo buugaag la xidhiidhi hoggaan ay ku biyaan lacag kor u dhaafatay $14 bilyan sanad walaba .


“ kaluun madaxa ayuu ka dhudhmaa_” maahmaah jayniisa ah 



Hadaba hadii aan soomaali nahay hoggaan is badel horseeda cid ingooga baahi badan ma jirto maanta, balse intee inleeg baynu muhiida siinay Barashada hoggaanka, jaamacadaha iyo iskuulada ma laga dhigtaa, buugaag intee leeg baa laga qornay Hogaanka .


Eebe ha ka abaal mariyee Saciid cali shire ayaa luuqada afsoomaliga ku qoray buugii ugu horeereey ee ka hadla hoggaanka uguna magac daray " HOGGAAMIYE Isbeddel Horseeda " buugu wuxuu jawaabo waafiya kaa siiin doona suaalahan iyo qaar kale oo badan


  • Maxaa hoggaamiye luugu baahan yahay ?
  • Yaa hogaamiye noqon kara ?
  • Waaxay sifooyinka hoggaamiyaha isbadal keena ?
  • Maxaa ku kala duwan yihiin hoggaamiyayaasha wanaagsan iyo kuwa xumi?
  • Tayooyin cankeeya looga baahan yahay hoggaamiyaha Mustaqabalka ?


" si aad qayb uga noqtid soo noolaynta amalka ummadda nala baadigoob Hoggaamiye Isbeddel horseeda" Siciid cali shire


Buug waa buda daraasado, buugaag iyo aragtiyo laga diyaariyay

hogaaminta san ee isbadalka dhalisa, ta bur burka horseeda, Hoggaamiyaashii soomaalida

islaamka ka iyo gumaysiga hore, Hoggaamiyaashii soomaalida islaamka iyo gumaysiga

kadib,

Qoraagu wuxuu ku doodayaa in dhibta ku habstay dadka soomaaliyeed ay tahay

hoggaanka aan u qalmin hoggaaminta ummadeed, dadka aan samayn karin hiraal qaran,

dadka aan qiyam iyo sharaf midna lahayn oo moorsaday masiirkii ummadda.

Qoraagu wuxuu soo jeedinayaa in soomalidu u baahan tahay hoggaamiye aan u adeegin

qoyskiisa, qabiilkiisa iyo koox gaar ah ee u adeega shacabka soomaaliyeed, hogaamiye aan

dhisin dagmo gaar ah, gobal gaar ee dhisa dal iyo dad, hoggaan dabci iyo qiyam leh,

hoggaan samayan kara hiraal .

Qoraagu wuxuu soo jeediyay in uuna Haggamiha suubani cirka ka soo dhicin dhulkana ka

soo bixin ee uu mushtamca ka soo dhex baxo si hoggaan isbeddel horseeda lee helo

mustaqbalka waa in iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada lagu dhigo

maadada hogaaminta oo imka lagu dhigin intooda badan lagu dhigin. ugu danbaytii waa

Buug aad u qiimo badan kuna talin lahaa aradaywalaba iyo qof walaba xiiseeya

hoggaaminta - Siyaasadeed, shirkadeed iyo iwm in ay akhriyaa



Waxkhtiga buuga arkhrinaayay ayaa 4 dhacdo oo aad u kala duwan ka kala dhaceen Hargeisa, Muqdisho, South korea iyo dalka UK


Dhacdada kowaad 31 January 2018 waxa xilkiisi iska casliay wasiir ka tirsand dalka UK sababta uu isku waxay ahayd in uu ka soo habsaamay kulan fadhi uu lahaa baarlamanka dalkaasi hadaldiisi waxa ka mid ahaa in " in uu aad iskugu khajilay "



Dhacdada labaad 31 January 2018 waxaa xilikii laga qaaday xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa sabta looga qaadayna waxay ahayd in uu musqumaaq ku eedeeyey maayirka magaalada hargeisa,


Dhacdada sedaxaa February 13, 2018 waxaa lagu xukumay madaxwaynhii hore dalka South Korea 20 sano xadhiga iyo ganaax ku dhow $ 17 million sababo la xidhiidhi musuq maasuq ay gaystay


Dhacdaaad Aftraad February 19, 2018 suuqa bakaaraha ee magaalda muqdisho oo gabi ahaanba xidhan sababta loo xidhayna ay ahayd cashuur cusub oo lagu soo rogay, dadka waxay ku doodayeen in cashuurta ay bixyaan aan waxba luugu qaban oo la lunsado, waan oganahay in somaliya tahay wadamada ugu musuq badan aduunka ee maxaa maalin loo arki waaay masuul xilkiisa ku waaway musuq ciqaabna ku mutaysatay .





Raadraac


[1]

[2] [3] https://www.google.com/search?safe=active&source=hp&ei=MluLWojjOIjyvgS7jpagBA&q=leadership&oq=leade&gs_l=psy-ab.1.0.35i39k1l2j0j0i131k1j0l3j0i131k1j0j0i131k1.1187.2653.0.18986.6.4.0.0.0.0.243.570.0j2j1.3.0....0...1c.1.64.psy-ab..3.3.567.0..0i67k1.0.TXUGZXRoY8M

</gallery>

  1. https://chiefexecutive.net/build-internal-leadership-development-program/
  2. https://www.voanews.com/a/friends-of-ex-south-korean-president-park-sentenced-to-prison/4251285.html
  3. https://www.theguardian.com/politics/2018/jan/31/lord-bates-in-dramatic-resignation-from-house-of-lords