User talk:8.37.231.74

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN JAMUURIYADDA FEDERALLY-GA AH EE SOOMAALIYA LAGA SOO BILAABO 1991-2017.... W/Q Shab'an Hussein

Dagaaladii Sokeeye ee Muqdisho ka qarxay kadib markii la af-gambiyay Taliyihii milatariga ee 21 Sanno ka talinaayay Soomaaliya General Mohamed Siyad Barre iyo Siday ku bilaabmeen kuna socdaan ilaa iyo maanta ayaan jeclahay inaan idinla wadaago.

Bilawgii....

Maalmihii hore ee dagaalkaba Jabhaduhu waxa ay qabsadeen xaafado ka tirsan caasimadda taas oo soo gaabisay rajadii Mohamed Siyad Barre ee ahayd inuu sii xukumo Soomaaliya. Goboladii waqooyi ee Somaliland intooda badan waxa gacanta ku hayay Dhaq-dhaqaaqii waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyadoo gobolada Dhexe intooda badan ay qabsadeen ururkii Golaha midaynta Soomaaliyeed ee USC, Dhinaca koonfuurta waxa iyana dagaal ka waday Jabhadihii SPM.

48-Saacadood uun ka hor intii aanu ka bixin Mohamed Siyad Barre xaruunta madaxtooyada waxaa Socday dadaal nabadeed oo ay gadh-wadeen ka ahaayeen xubno ay ka mid ahaayeen CUMAR CARTE QAALIB iyo MOHAMED XAWAADLE MADAR kaas oo lagu doonayay in xabadda lagu joojiyo laguna wada hadlo. Raggani waxay wada hadal ugu tageen General Mohamed Farah Aided oo hogaaminaayay xoogagii Golaha midaynta Soomaaliyeed ee USC iyagoo ka dalbay in xabadda la joojiyo isla markaana la wada hadlo hayeeshee General-ka jawaabtiisu waxay ahayd “In xabbadu aanay istaagi karin ilaa Siyaad uu xukunka baneeyo".

Mohamed Siyad Barre dhawr jeer ayuu Radio Muqdisho ka hadlay intii uu dagaalka caasimaddu Socday wuxuuna ku baaqayay in xabadda la joojiyo looma se dhag dhigin ilaa Gidaaradda xaruunta madaxtooyada loo soo istaago.

Habeenimadii SABTIDA ee 26-January Mohamed Siyad Barre waxa uu ka baxay xaruuntii uu 21-ka sanno uu ka talinaayay ee VILLA SOMALIA oo uu ka socday dagaal culus oo markii dambe si buuxda ula wareegeen Ciidamadii jabhadda USC. Habeenkaas Muqdisho waa laga dabaal dagay o cirjeedu wuxuu isku dabalay CASAAN kadib rasaasta nooca IFISADA loo yaqaano oo cirka loo ridaayay.

Rajadda Dadku waxay ahayd in uu soo dhamaaday nidaam kaligii talis ah oo dadka cabudhin jiray loona gudbi doono nidaam DEMOCRATIC-ah oo dadku soo doorteen.

Riyadaasi ma rumoobin oo durba loolan xagga awooda ah ayaa bilaabmay Gaar ahaan kuwii Muqdisho qabsaday.

Xaruumihii dawladda ayaa la boobay, dagaal Sokeeye oo aan dhamaad lahayn ayaa foodda la galiyay sidaas ayuuna ku burburay qarankii mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaaradda AFRICA. Waxaana 27-Sanno kadib socda dadaal Nabadeed oo lagu doonayo in qarankaasi mar kale cagihiisa isku taago.


Kani waa bogga wada hadalka ee isticmaalaha qarsoon ee aan wali akoon abuurin, ama aan isticmaalin Sidaa darteed waa inaan isticmaalnaa cinwaanka IP nambarada si loo aqoonsado. Cinwaanka IP-ga noocaas ah waxaa wadaagi kara dhowr isticmaale. Haddii aad tahay isticmaale qarsoon oo aad dareemeesid in faallooyinka aan muhiimka ahayn adiga laguula taliyay, fadlan abuur akoon ama Soo gal si looga fogaado jahwareerka mustaqbalka lala galo isticmaaleyaasha kale ee aan lagaran.