User talk:Baashi2000

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia
saciid gaabane

waxii qoraal ah dib ayaan kasoo gelin doonaa

saciid gaabane[wax ka badal xogta]

Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2011



Axmed Madoobe iyo Saraakiil Kenyan ah oo kulan ku yeeshay xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya

Axad, 09 Janaayo, 2011 (HOL) – Sida ay nagu soo gaarayaan wararka aynu ka helayno xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Somalia, gaar ahaanba nawaaxiga deegaanka Diif, ayaa waxay sheegayaan in maamlmihii ugu dambeeyay ay halkaasi kulamo xasaasi ah ku yeelanayeen mas'uulyiin uu ka mid yahay Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo sanadkii tagay dagaal looga saaray Jubbooyinka iyo saraakiil ka socotay wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda Kenya.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in kulammadaasi ay ahaayeen kuwo looga hadlaayay sidii guluf colaadeed oo ka dhan gobbalada Jubbooyinka loo qaadi lahaa, kuwaasoo ay ka taliso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, oo horay ula dagaalantay Sheekh Axmed Madoobe.

Inkastoo, aysan jirin cid kulamadaasi warbaahinta oga warbixisay,ayaa hadana waxaansi dhab ah loo ogaan karin qodabadii iyo waxyaabihii ay isla lafa gureen labada dhinac ee xadka ku kulmay,hasyeeshee ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa HOL u xaqiijiyay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay xadka ka soconayeen kulamo xasaasi ah oo ugu dambayntii lagu heshiiyay in weeraro iyo dagaalo lagu soo qaado gobbalada jubbooyinka oo ay haatan gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab.

Axmed Madoobe' ayaa waxaa uu mudooyinkan dambe uu waday ol-ole iyo abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu ku soo qaado magaalada gobbalada jubbooyinka oo sanad ka hor dagaal looga saaray,laakiin maamulka wilaayada jubbooyinka ee Xarakada Al-shabbab ayaa waxa ay horay u sheegeen inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerar kasta oo kaga yimaado dhinaca Axmed Madoobe

Lama oga halka uu ku dambayn doono dhaq dhaqaaqyada iyo kulamadaan ay wadayeesheen Axmed Madoobe' iyo Saraakiisha ka socotay dhanka dowlada Kenya,inkastoo ay jiraan dhowr weerar oo hore kuwaasoo ay so qaadeen ciidamadii taabacsanaa Mr Madoobe oo markii dambana ay fashiliyeen ciidamada wilaayada jubboyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online