User talk:Markacadey

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Markacadey.net[wax ka badal xogta]

Shabakadda Markacadey Inc xarunteeda weyn waa Magaalada London ee caasimadda dalka Britain, waxaana dhidibadda loo taagay oo la aas’aasay 23/10/2005, iyadoo aas’aasaha uu yahay Eng. Abdulgani Nuur oo ah Agaasimaha shabakadda.


Bilowgii internet-ka markii uu ku baahayay dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 1998-di ayey Markacadey fikir ahaan loo qaabeeyay in la dhiso, balse qaban qaabada dhismaheeda ayaa muddo qaatay, iyadoo shabakadda Markacadey ay hoos-tagaan ilaa iyo shan shabakadood oo kale oo warar-ka, dhacdooyinka bulshada iyo siyaasadda ku baahiya afka Soomaaliga.


Markacadey inc oo xiriir hoose kala dhaxeeyo qaar ka mid ah shabakadaha wax ku baahiya afaf-ka carabiga iyo English-ka ayaa loo aqoonsaday inay tahay shabakadda kaliya ee kulmisa dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadda ee dagaalka ku kala irdhoobay, iyadoo noqotay Markacadey.net web-ka loogu booqasho iyo daalacasho badan yahay dhammaan web-bejyada afka Soomaaliga marka loo eego.


Markacadey waxaa ku kulma inta badan Soomaalida qurba jooga iyo kuwa gudaha oo isku dhaafsada ra’yi iyo tusaalooyin dalka lagu samata bixin karo.


Iyadoo laga duulayo guusha markacadey ay ku tilaabsatay ayaa waxay noqotay tuulada kaliya ee ay ku kulmaan mujtamaca Soomaaliyeed , iyadoo loo soo bandhigayo adeegyo cusub iyo macluumaad qofka da’da yar iyo midka da’da weyn intaba ay wada xiiseynayaan .


Markacadey waxaa booqda bishiiba akhristayaal ka badan 8681662 Waxaana hoos taga web-bejyada kala ah:-


1) www.markacadey.net

2) www.hamarey.com

3) www.bclub19.com

4) www.banadir24.com


Shabkaddu waxay keydisaa oo daawatada iyo akhristayaasheeda ay u soo bandhigtaa filimaan qadiimi ah iyo kuwa cusub , iyo heesihii wadaniga iyo kuwii jaceylka ee la duubay sanadkii 1953 xilligii maamulkii daakhiliga ka hor mudd 7 sano xoriyadda Soomaaliya , waxaa kaloo shabakadu ay keydin ku heysaa suugaanta, maansada, guurow-ga,heesaha iyo dhamaan hidiyo dhaqameed-ka dalka Soomaaliga oo ay ku jiraan kuwii soo banbaxay qaran burburka kadib. Barnaamijyada lagu jeclaaday Markacadey


1) Warar hufan oo dhex dhexaad ah oo aan ku jirin eexsi iyo nin jecleysi , kana fog qabyaalad , urur iyo wax la mid ah. 2) Qeybta dhacdooyinka caalamka oo lagu soo bandhigo qormooyinka iyo waxyaabo layaab iyo faa’ido u ah akhristaha. 3) Barnaamijka Tartanka Su’aalaha furan ee Ramadaan-ka, waa barnaamij bisha Ramadaan shabakada ay ku tartan siiso akhristayaasheeda , iyadoo la weydiinayo Su’aalo aqoonta guud la xiriirta ,waxaana guuleystayaasha la siiyaa shahaado sharaf iyo abaal marinno qaalli ah , waxaana markacadey ay noqotay shabakadii ugu horeysay ee af-soomaali ah ee barnaamijkan bilowda Ramadan 1429 Hijriyah- September 2008. 4) Barnaamijka Dalabaad-ka Guurka , waa barnaamij dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool ay aad u xiiseeyaan, waxaana lagu soo bandhigaa gabdho iyo wiilal guur-doon ah , iyadoo shabakadda ay fududeyso xiriirka iyo dhismaha qoysas cusub ,tiiyoo ay jirto in dad badan oo iska bartay barnaamijkan xiriirkooda meelo wanaagsan uu marayo ,halka qaar kalana markii ay is arkeen ku wada balamay guur farxad leh sida aynu ku helno macluumaadka ay noo soo gudbiyaan calaf-doonayaasha , waxaa xusid mudan in barnaamijkan ay ku guuleysatay shabakadda markacadey oo noqotay warbaahintii ugu horeysay ee soo bandhigta , iyadoo la bilaabay bishii Shawaal/soonfur 1429 Hijriyah- October 2008 . 5) Barnaamijka Markacadey ila tali , waa barnaamij la wada xiiseeyo , aragtina ay ka wada qaataan dad badan oo guur-ka ku cusub ama kuwa muran iyo qeylo guryahooda horey uga burburiyay si ay uga faa’ideystaan dhismaha qoyska kale ee cusub inaanu raacin dhabihii wareersanaa ee kii hore burburiyay. Barnaamijkan ayaa waxa uu soo bandhigaa ashtakada ama cabashada qof jaceyl daadihinaya ama xaasle ah oo xaaladda ay ku xumaatay oo talo raadis ah , waxaana shabakadda ay xilligaasi ay siisaa talo qancisa oo ka ilaalisa wixii dhib iyo khasaare u keeni kara , waxaa si rasmi ah barnaamijkan daaha looga rogay bishii shawaal/soonfur 1429 Hijriyah- October 2008.

6) Dhammaan Musica iyo heesaha Caalamka oo aad ka download gareysan-karto iyagoo iskugu jira maqal iyo muuqaal ( western ,Arab , India , Somalia , Ethiopia iyo kuwa kale) . 7) Qur’aanka kariim-ka iyo muxaadarooyin diini ah oo iyana aad ka Dhageysan kartid , kana download gareysan karto. 8) News in English , waa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya Oo ku baxaya afka English-ka si ay u fahmaan dadka shisheeyaha ee aan garan Karin afka Soomaaliga .

9) Aragtida dadweynaha , waa qeyb u furan dhamaan akhristayaasha 
    markacadey , iyadoo la ilaalinayo anshaxa saxaafadda oo aan meel
    looga dhaceyn koox , shaqsi iyo wixii la mid ah ,lana taabanayo
    xaqiiqada uu akhristahaha aamisan yahay , waxaana qodob waliba 
   la marsiiyaa tifaftir.

10) Chat room ( qolka wadasheekeysiga) waa qol u furan dhamaan Soomaalida meel kastoo ay joogaan , waxaana ay ku galayaan Username iyo Password . 11) Comments , waa qeyb aragtida qofka akhristaha uu ka dhiiban karo qodob wareed , faallo ama dhacdo shabakadda ay baahisay , isagoo qeybta hoose qoraalkiisa ku qoraya . 12) sheekooyin-ka Jaceylka ( kuwa dhab oo naxdin leh oo dalka ka dhacay iyo kuwa la alifay intaba shabakadda waa ay u soo bandhigtaa akhristayaasheeda) . 13) Baafin iyo Tahniyadaha Hambalyada dhalashada iyo aroos-ka oo xitaa sawiro ay ku lifaaqan yihiin.