User talk:Mohamed raatib

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia
 FEER-FEER.

Degmada feer-feer waxey dhacdaa xuduud beenaad ka udhaxeeya somalia & eithopia. magaalada Beled weyn ee gobolka hiiraan ayey kaxigtaa dhanka waqooyi. Degmada feer-feer waxaa hoostaga dhoor deegaan waxa ayna kala yihiin:- 1:- Deegaanka Bur-ukur. 2:-Abaaleey. 3:-Baar-magoog. 4:-Ashraaf. 5:-gal-cusbo. 6:-Dabadheere. 7:-Dayax. 8:-Caroogleey. Dadka dega deegaanada aan kor kuxusay oo ay hoostagaan Degmada feer-feer ayaa waxa aykala yihiin:- 1:- Reerow xasan. 2:-Ujeejeen. 3:-Dagoodiye. Degmadaan waxaa degan dad ka badan 50,411 oo qof, oodhamaan wada soomaali waxeyna astaan kutahay nabadda iyo soodhaweynta walaala hooda kale ee somaliyeed. Degmadaan feer-feer iminka waxey hoos tagtaa Gobalka Godeey ee ismaamul deegaaneedka soomaalida itoobiya. wabiga shabeele ayaa mara waxuuna kamaraa dhanka galbeed waxuu kasoogalaa SALSUUL wuxuuna ugu siigudbaa Deegaanka ABAALEEY. waxeyna ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha dhul-beereed keedu waa cara madow dalagga kabaxa waxaa kamid ah:- galleeyda, masagada yar-yar, basasha, qaraha, yaan yada iyo qudrada kale ee daruuriga ah. dadka dega Degmada feer-feer waxay is ku dayaan in ay nabad galyada sii hormarta degmada ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxa ay tiigsaneesay horumar aad u balaaran, iyadoo laga dhisay schoolo fara badan kuwaaso iskuga jira dugsi hoose , dhexe iyo kuwa sareba, mustaqbalka dhawna dadku waxay ku han weyn yihiin inay dhisaan jaamcad ay wax ka bartaan. dugsi yadaas ayaa asal u ah DUGSIGA QUR' AANKA KARIIMKA waxaana kaalin mugleh kasoo qabtay Macalim Raage cilmi isla markaana uu katirsanaa odayaashii dhidibada usootaagay magaalada feer-feer in ay isubadasho Degmo. wixii intaa dheeri ah oo aad kukabi kartaan igu reeba ciwaan keyaga laabraaxe@gmail.com QR/:- mohamed raatib ali.