User talk:Ustaad Cusmaan

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

QORSHAHA SIYAASADEED EE USTAAD CUSMAAN[wax ka badal xogta]

waxaan rabaa inta aan dulucda, maqaalka u deign in gadaal waxyar u noqdo, waxaan si aad u weyn ugu faraxsanahay, in ka badan Nus-Qarni wixii aan garanay, oo ahaa Nidaamka-federalka wax aan eheyn ineysan ku-kala badbaadi karin Dadka Soomaalida, yahayna nidaam cadli, Dalkana uu ku hormaraayo.

Yaab, waxaa yaabka-yaabkiisa ah, Nidaamkii shalay nalagu dhaliilaayay oo Dilkii waxshinima ahaa oo loogu Dilay Halyeey Ustaad Usmaan, oo ka mid aha Madaxdii-siyaasiyiintii ugu weyned Dalka ee xiligaasi jirtay, ahaana Gudoomiyihii Xizbigii (HDMS) ee Xizbiya, oo loo Dilay si uusan Golihii-amaanka, hortooda ugu soo jeedinin, Aragtidiisa Nidaamka-Federalka eheed, asagoo ahaa xubin aad muhiim u ah, kana mid ahaa Madaxdii Soomaaliyeed ee lagu martiqaaday, in aay Barnaamijyadooda iyo khudbadahooda Golihii-amaanka hortooda ka jeediyaan.

Waxaa fool-xuma ah iyadoo intaas cadawtinimo, aay ku sameeyeen Xizbigii (SYL) Leego iyo Ehelkeeda,in aay maanta iyagii u ololeynaya Nidaamka-federalka, waxaad warbaahinada gaar ahaan TV-yada Soomaalida aad ka arkeeysaa iyada oo xaflado loo sameeysanaayo Maamul-goboleedyo, oo la leeyahay Tuulo-hebla iyo xaafad-hebla anagaa leh, Maamul ayaan usameysanay, hadaba Akhristow Dadka waxaasi sameeynaaya ma-garasha la’aan beey ka tahay oo Aqoontooda ayaa yar, mise wax kale ayeey damacsanyihii oo Lug ayaa u laaban, Jawaabta idinka akhristayaasha ah ayaan idin daayay.

Hadii aan usoo daadago dulucdeeyda, (Yaa ka danbeeyay Dilkii Ustaadka) Shirqoolkii Ustaadka lagu Dilay, waxa uu ahaa mid qoorsheeysan, oo aay u wada dhamaayeen, Madaxdii Xizbigii (SYL) Leego, 11-05-1952,Taariikhdan, waxaa Dilkii Ustaadka loo soo qab-qabtay dad si toos ah loogu xiriirinaayay Dilkaasi, oo ka mid ahaa Madaxdii Xizbigii Leegada,waxeeyna ahaayeen:-

1-Muuse Boqor

2-Xaaji Faarax, waxaana Baaris arinta Dilkaasi la xiriira loogu soo xiray, Saldhigii la dhihi jiray (BEYTU-RAAS).

Article requests[wax ka badal xogta]

Hi! Do you do article requests in Somali? There are subjects in Canada and the USA which are related to Somali immigrants, and those subjects would benefit from having Somali articles.

Thank you WhisperToMe (talk) 04:24, 12 May 2013 (UTC)