User talk:Wacyi gelinta dhalinyarada

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed[wax ka badal xogta]

dhamaan dhalinta soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku salaamayaa salaanta islaamka ah taas oo ah asc waraxmatulaahi wabarakaatu salaan kadib dhalin yaro waxaan idin leeyahay maantay wadankii xaaladiisu meesha ay marayso waa aynu ka dheregsanahay marka aaway dowrkeenii aynu ku lahayn wadanka maadaama aynu nahay jiilka dambe ee la rabo in uu wadanka hogaamiyo marka walaalayaal aynu bal dib aynu u milicsano dowrkii ay ku lahayeen jiilalkii inaka horeeyey tusaale ahaan dhalinyaradii sharafta lahayd ee wadankeena hooyo u soo halgamay ee ahaa 13dhalinyaro oo la oran jirey SYL aaway marka SYLtii maanatay fadlan aynu u kacno wadankeena meel walba oo aynu joogno ogaada maantay wadanku waxa uu sugayaa waa inaga bal fiiriya oo akhriya taariikhda bal eega oo dhegeysta heerka dalka masar ay gaarsiiyeen dhalintiisii fadlan aynu kacno oo meesha aynu ka kacno waynu hurudnaa walaahi baan ku dhaartaye hadii maantay aynu u kacno wadankeena in aynu taariikhda baal dahab ah ka geli lahayn waadna mahadsantihiin walaalahayga soomaliyeedow

fadlan hadii aan qalad galay ha u qaadanina dhab ee waa qiiro aan qiirooday aniga oo akhrinaaya taariikhdii hore ee SYL iyo marxaladihii ay soo mareen fadlan aynu fekerno oo u fekerno sida dhalinyarada reer masar ugu fekereen wadankooda

tan kale ma ogtahay in dhalinyarada soomaaliyeed u isticmaalaan FACEBOOKga maala yacni iyo sheeko nac nac ah wadamada kalena sida masarna ay u isticmaalaan danahooda iyo sidii ay wadankooda wax ugu qaban lahaayeen. dhalintii reer masar ee ka dameysey kacdoonkii masar ee lagu qabtay mubaarak in loo isticmaalay FACEBOOK.

ugu dambeyn waxaan idinka codsanaya hadii aan gafey ama aan qalad galay in aad iga cafisaan waayo waan murugsanahay waana qiiroonayaa fadlan aynu u kacno wadankeena.