Webiyada

Ka Wikipedia
Webiyada

Webi waa erey juquraafi ah micnihiisana uu yahey dhul biyo-mareen ah. Dalka Soomaaliya waxaa mara labo webi oo kala ah Webiga Jubba iyo Wabiga Shabeelle waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya. Waxaa ugu dheer Webiga Shabeelle oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn (ballaar ahaan) uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km. Magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabeelle wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer; wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Afgooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood. Wabiga Jubba isagu waxaa uu dalka ka so galaa xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow iyo luuq. Halka liibaanta qoryooley ay tahey wax soo saarka soomaalida meesha ugu soo wax soo saar badan.