Wikipedia:Jadwalka Oraahda Maanta/Muuqaalka Dhammaan Oraahaha

Ka Wikipedia

Tani waxay sahleeysaa dib ugu noqoshada oraahaha tiraduna waxay ka bilaabanayasaa 0 maahaa 1..

Tirada Oraahda Maanta 0 - Wax ka bedel template-ka

 Cadawgaa looma taahee, tunka u adkeey *** Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa).
Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan'. *** Biyo socdaa biyo fadhiyeey kiciyaan. 



Tirada Oraahda Maanta 1 - Wax ka bedel template-ka

 Dameer dhaan raac *** Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa
Carab loaad caws looma tilmaamo *** Carraabo, fadhaa quusiyey 



Tirada Oraahda Maanta 2 - Wax ka bedel template-ka

 

Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe *** Saddex ayaa jirta Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.

Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis. *** Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.