Wikipedia:Saxiix

Ka Wikipedia
Boggaan Wikipedia:Xeerka Wiki Qaybta Af-Soomaaliga Waxaa soo gala dad farabadan oo wax ku qora waxaana jira halbeeg la adeegsado oo ah xoriyad ayaan dareemayaa wax alla wixii aan rabo baan qorayaa.

Marka maaha sidaas ee qor wax macquul ah oo dadka ay isku raaci karaan iskana hubi waxa aad qortay.

Saxiixa farriintaada bogagga wadahadalka ama wadahadal kasta ee ka dhaca wikipedia waa dhaqan wanaagsan wuxuuna caawinayaa isticmaaleyaasha kale in uu ogaado qofka qoray faalo. wadahadalku waa qayb muhim ah ee ka mid ah bedel wadareedka maxaa yeelay wuxuu caawinayaa dhammaan isticmaale yaasha fahanka ah hurumarka shaqada.

Bedelka maqaalada wikipedia lama saxiixo maxaa yeelay maqaaladu waa howl wadajir ah kuna dhisan ka qayb qaadashada dad farabadan, uma haboona wax bedelaha in uu ka gooni noqdo kuwa kale.

Habka saxiixa[wax ka badal xogta]

markaad ka qayb qaadato bogagga wadahadalka ama bogga wadahadalka ee isticmaale, waad saxiixi kartaa adisoo adeegsanaya hababkaan soo socda:

  1. qoraalka saddex jiitin (~~~) Qoys la'aan. qaabkaasi waxaa soo muuqanaya magaca isticmaalaha ama lambarka IP-da haddii uuna diiwaanka ku jirin.
  2. qoraalka saddex jiitin (~~~~) Qoys la'aan sidoo kale, qaabkaan waxaa soo muuqanaya magaca ama lambarka IP-da iyo waqtiga la saxiixay taasoo ahay waqtiga london.
  3. gujinta batoonka () ama () ee ku yaala halka sare ee meesha wax lagu qoro.
  • markaad adeegsanayso saxiixa habka ah tusmo (tusaale: {{User:Hebel/Saxiix}}), waxaa kuu suuragal ah tusmada inaad ku qorto haddii aaneey ka badnayn 255 xaraf.
  • Ha adeesan saxiix qofkale uu leeyahay. adeesiga magac qof kale uu leeyahay saxiixiisa waa lama ogola wuxuuna ka dhiganayahay falso.
  • Waxaa lagaa rabaa saxiixa inuu noqdo mid la aqrin karo, haka dhigin mid dheer oo lagu wareero ama haka dhigin mid aad u yeryer ee aan la aqrin karin.
  • Waa in aanuu noqon mid dhaq dhaqaaqa.
  • Ha u adeegsan sawir saxiixaada. eeg halkaan bugzilla
  • Saxiixaada soo gaabi.
  • Waa inuu ka mid noqdaa saxiixyada ugu yaraan linkiga gudaha ee Bogga isticmaalaha ama bogga wadahadalka.


Bogagga xiriika la leh[wax ka badal xogta]