Wikipedia:Suldaan Nayruus

Ka Wikipedia
snayruus
Suldaan Nayruus, Qoraa Soomaaliyeed
Godadle
Buugga Godadle: Mid ka mid ah buugta qoraaga. Ka eeg Link-ga hoose warbixin kooban oo ku saabsan buugga: https://suldan-nayrus.blogspot.com/2017/08/buugga-godadle-war-bixin-ku-saabsan-iyo.html
Layal
Buugga Layla Maxaa Loo Dilay?: Mid ka mid ah Buugta Qoraaga, ka eeg Link-ga hoose macluumaad ku saabsan buuggan: https://suldan-nayrus.blogspot.com/2017/05/buugga-layla-maxaa-loo-dilay.html

Suldaan Nayruus waa Qoraa ka mid ah Qoraayaasha Soomaaliyeed, waxa uu Waxbarashada Asaasiga ah uga baxay Soomaaliya. Waxa uu Mac-had dhaqaalaha ah uga baxay Magaalada Sanca ee dalka Yemen. Waxbarashadiisa sare waxa uu ka dhigtay Jaamacado ku yaalla Magaalada Karachi ee waddanka Pakistan, waxaa uuna ka bartay Culuumta Ganacsiga iyo Maamulka.

Keliya ma uusan ahayn qoraa ku kooban wax-soo-saarkiisa, wuxuu qeyb weyn ka ahaa dhaqdhaaqyo kor loogu qaadayo soosaarista qorayaal Soomaaliyeed isaga oo ka mid ahaa hormuudyadii Wargeyskii Dayax, Nadiga Somalipen,iyo Asaasayaashii GOLAHA MASKAXSHIIL iyo guddoomiyihii ugu horreeyey 2017-2022.

Waa Qoraa wax ka qora arrimaha ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Waxaa kale oo uu waayadan aad u qoraa sheekooyin ka warramaya dhacdooyin dhacay; gaar ahaan intii uu burburku socday.

Waa qoraa aaminsan dalkiisa iyo dadkiisaba; waxaa uuna ku dadaalaa isu soo dhaweynta ummadda Soomaaliyeed ee uu cadaawuhu kala geynayo.

BUUGTA UU FAAFIYEY SULDAAN NAYRUUS

Sheekooyin dhaadheer

1. Godadle 2. Nabsi (1 iyo 2) 3. Cawo 4. Layla maxaa loo dilay 5. Warsame iyo Wariyennimo 6. Geerida abbahay iyo guurka hooyaday

Sheekooyin gaagaaban

7. Cuqubo 8. Abaal 9. Cibro 10. Reer Mudug 11. Amma waa la i dooran amma daadku i qaad

Sheekooyin carruur

12. Sheekooy sheeko 13. Maaweelo (5) 14. Cigaal Shiiidaad iyo Sheekooyinkiisii

Aqoon-nafsi

15. Kala baro run iyo been

Ganacsi iyo maamul

16. Gogoldhigga ganacsiga 17. Maamulka iyo maareynta shaqaalaha 18. Tabaha suuqgeynta 19. Qaamuuska ganancsiga

Siyaasadda

1. Amma waa la i dooran amma daadku i qaad


Mareegta hoose waxaa ku jira in ka mid qoraallo gaagaaban oo uu qoraagu lee yahay oo uu faafiyey xilliyo kala duwan oo isugu jira: Maqaallo, Faallooyin, Sheekooyin, Maahmaahyo iyo Xikmado.

http://suldan-nayrus.blogspot.com/