Wikipedia talk:Isticmaalada

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Magaaladda Saaxo waxay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Mudug. Waxay dhanka koonfureed Galbeed Kaga beegan tahay magaalo madaxda gobolka ee Gaalkacyo. waxay kaloo ay xuduud la leedahay dhanka Galbeed degmada Galdogob dhanka koonfur galbeedna Deegaanka Dhudub ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Degmada Saaxo waxaa lagu qiyaasaa in ay degen yihiin dad lugu qiyaaso ilaa 125.000 oo qof. Baaxada magaalada qiyaas ahaan waa 25 km². Maagalada Saaxo waa magaalo ay dagaan dad nabada jecel oo okkoban Caddaaladda iyo sinnaanta waa dad isaga war qaba qof qof, waxay reer Saaxo ku xaliyaan Shaqaaqooyinka kadhaca Degmada qaab waafaqsan shareecada Islaamka, xitaa hadaanu jirin maamul dowladeed iyo ku gobol toona.Magalada Saaxo waxaa ka shaqeeya dhamaan hey’adaha Dowligaa iyo kuwa aan dowliga ahayn iyagoo hoostaga xafiiska looga Talliyo degmada Saaxo iyo Gobolka mudug ee Dowladda Puntlan.waa magaalo qurxoon oo 2015 gaadhay hormar la taaban karo sida caafimaadka waxbarashada Ganacsiga Dhismaha iyo dhamaan hey' adaha dowligaa, dadka reer Saaxo waa dad danneeya hormarka magaalada waxeyna kubaaqaan hada iyo jeer nabada iyo kala danbeeynta magaalada.

Waxbarashada Iyo Caafimaadka:-

Magaaladu waxey leedahay in kabadan 10 dugsi hoose/dhexe iyo sare iyo 4 cisbitaal oo dhamaantood dadka deegaanku dhistay waxay isugu jiraan daaweeynta guud iyo hooyada iyo dhalaanka waxaana lagu qabtaa dhamaan baahiyaha caafimaad ee degmadu u baahan tahay mana jiraan bukaano si kastaba ha ahaatee banaanka loo saaro xaalada culus mooyaane. cisbitaalka ugu wayn ee Degmada(Saaxo General Hospital) waxaa lagu daaweeyaa bukaano ka kala yimid dhamaan gobolada dhexe sida Beledweyne, Dhabad Goldogob, ceelbuur, Galinsoor iyo deegaanada dalka eithopia sida Dhudub ,Xananwaylood , Qorrof. Waxaa kuyaal in kabadan 6 masaajid iyo Malcamado Quraan. Saaxo hada waxa ay leedahay ilaa 4 dugsi sare ah waxaana sanadihii ugu danbeeyay kor u soo kacay hanaanka waxbarasho ee Degmada sidoo kale waxaa laga aas aasay dallado waxbarasho iyo ururaro u dhaqdhaqaaqa waxbarashada iyo Arrimaha Haweenka intaa waxaa dheer waxaa Iddaacadda Degmada si toos ah uga baxa barnaamijyo waxbarashda ku saabsan oo isugu jira Ogaysiisyo iyo Tartamo Aqooneed. Degmada waxaa dhawaan laga furi doonaa 2 jaamacadood Bariga afrika iyo Galgalduud university waxaana dhawaan la dhaxag dhigay jaamicad cusub Egaal International University oo noqon doonta jaamicadii ugu horaysay ee Degmadda Saaxo iyo jaamicadii sadexaad ee Degmooyinka Galbeedka iyo Koofurta Mudug laga dhiso.

Dhaqaalaha:-

Isha dhaqaalaha Degmada Saaxo waa magaalo sida magaalooyinka kale ee gobolada dhexe dhaqaaleheedu ku tiirsanyahay Xoolaha nool iyo tijaarada kalaba. Saaxo waxay ku taalaa bartamaha Soomaaliya, taas oo la dhihi karo waa buundo isku xidha ganacsiga gobolda Bar iyo kuwa koofureed ee Dalka. Magaalda Saaxo, iyadoo cimri ahaan iska yar, ayaa hadana dhaqaaleheedu waxaa weeye Degmada ugu dhaqaalaha badan Degmooyinka Koofurta iyo Galbeed ka ee Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland taasoo laga dareemi karo hormarka magaalagu ku talaabsanayso taasoo aad ku arkayso daafaha magaalada dhismayaal aad u waaweyn oo ay maalgashadeen Jaaliyadaha dibada iyo Kuwada Dalkaba kadib markay soo jiidatay hormarka ay ku tilaabsatay. magaaladu waxay leedahay ganacsiyo waaweyn oo isugu jira shirkado ganacsi iyo kuwo gaar loo leeyahay sida shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha dhismada, ceelasha biyaha iyo schooladaa oo isugu jira hoose ,dhexe, sare iyo jaamicado.

Muuqaal Guud Ee DegmadaSaaxo Waa Sidee?

Haddii aad magaalada dhex marto waxaad arkaysaa suuqyada oo aad u camiran sida Bakhaarada, xawilaadaha, bacadleyaasha iyo dhamaan qalabyada Electronikada. waxaad arkaysaa makhaayado casri ah Maheraddo Hudheelo iyo Hoteelo u dhigma kuwa degmooyinka hormaray Ee Dalka. Saaxo waxaa Kayuu loogu jiraa engineerada guryaha dhisa inbadana waxaad arkaysaa dhismeyaal cusub oo meelkasta ka socda iyo dabakhyo aan horay looga baran magaaladda. shirkadaha xoolaha dhoofiya waxay ku leeyihiin xaafiisyo waaweyn oo maalin kasta laga dhoofiyo xoolo u badan Adhi (Arri) taasi oo dhaqaalaha deegaanku aad ugu tiirsan yahay.

Hay adaha Dowligaa Iyo Aan Dowliga ahayn Ee Degmada:-

Saaxo waxaa kahowl gala Hayádo badan oo isugu jira UN iyo International Organization waxaana ka mid ah Hay'adda caalamigaa ee MSF, ACF, SAVE THE CHILDERN iyo dhamaan Hayádaha UN ka sida WFP, WHO, UNICEF, UNHCR, iyo COOPI INTERNATIONAL. sidoo kale waxaa ka hawlgala ururada wadaniga ah ee kala ah Danwad, Saaxo Hawen Group. Midnimo iyo waxqabad ,Egaal Foundation iyo APCC, kuwaan oo dhamaantood dadka deegaanka u qabtay gargaar isugu jira badbaadin iyo hormarin.

Siyaasada :-Magalada Saaxo waa magaalo kobaceedu si xowliya u socdo, cimri ahaana waa magaalo la dhihi karo waxay hana qaaday , waqtigii ay dalka kaburburtay dowladii Kacaan ka laakiin Taariikh ahaan waxaa la aas aasay kahor intaanay curan dowladii Maxamed Siyaad Barre . waxay si toosa ugu soo biirtay Degmadaan Maamulka puntland ee Gobolada Bari Ee Dalka Soomaaliya Magaaladaan waxay isku xidhaa siyaasan ahaan dowladda Puntland iyo Dowlad Deegaan ka Somalida Itoobiya iyo dhamaan labada Shicib Ee walaalahaa ama Habayb wadaagtaa sidoo kalewaxay muhiim u tahay Ganacsiga xoola , sida ariga jarka ah , owrta ,beeca ah , lo'da , dibidaa , waana magaalo si toosa ugu xiran dekeda Boosaaso oo xoolaheeda laga dhoofsho. Waxay suuq xoolaad utahay guud ahaan gobolka Mudug iyo Galgaduud iyo qaybo badanoo DDS Itoobiya ka mida.

Maxay Caan Kutahay Degmada Saaxo?

Waxay caan kutahay magaalada Saaxo Ugaadha nooyadeeda kala duwan iyo dhamaan ilkastoo dhaqan iyo dhaqaale u ah umada soomaaliyeed iyo cimilo wanaagsan oo kolwalba looga soo xiiso daafaha dunida sida ASIA AFRICA AMERICA IYO EUROPE sidoo kale waxay caan ku tahay soodhawaynta iyo martiqaadida martida soomaaliyeed iyo nabad kula noolaanshaha umada lajaarka la ah.


Waxaa Qoray isla markaana Tafatiray diyaarshayna Dr Siciid Cali Cigaal Axmed Yey.