Wikipedia talk:Qoraalhyper

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

MJ WAA BEEL BALAARAN OO DAGAN GABI AHAAN DHULKA SOOMALIYA KANA TALISA REER CUMAR REER BICIID YAHAN REER MAXAMUUD CUMAR MAXAMUUD CIISE MAXAMUUD CISMAAN MAXAMUUD

Magaalooyinka soomaaliya[wax ka badal xogta]

Magaalo madaxdii Hore ee soomaaliya waxaa la Odhan jirey taleex Taariikhdu markay ahayd 1884-1921 waxaa wadanka soomaaliya ka socday halgan dib u xoreyn wadanka oo uu haysta gumaystayaashii ingriiska,Talaaniga iyo France.oo Ummadda soomaaliyeed u qaybqaybiyey ilaa iyo 5 qaybood markii danbana qaarkeed ku daray gumaystayaashii aan xishoonayn ee afrika sida itoobiya iyo kenya.

Hadda halgankaas oo uu ogaaminayey Sayid maxammed Cabdalle xasan alla ha u naxariistee iyo Daraawiishtu waxay mudo dheer kula xarbiyayeen Gumaystayaasha soomaaliya qabsaday awoodooda iyo dhaqaalohooda iyagoo naftooda u hurey dalkooda qaaliga ah isla markaana fidinayey diinta islaamka. waxaa xarunta daraawiishta kasoo baxay kumaankun qof oo soomaali ah oo aqoon diimeed oo balaaran leh. Inkasta oo xarunta daraawiishtu soo martay meelo badan haddana waxaa daraawiishta u hanaqaaday magaalada Taleex oo noqotay xaruntii ugu dheerayd ee ay deganaayeen intay halganka wadeen.

[[Taleex xagey ku taal? Taleex waxay ku taal Gobolka sool waana degmo ka mid ah gobolka sool ee isku xidha soomaaliya koonfurteeda iyo waqooyigeeda waxayna xukuntaa tuulooyin badan oo ay ka mid tahay xaruntii ugu horeysay ee diyaarad lagu duqeeyo oo afrika ku taal waa tuulada xalin,carooley,god,aalo iyo tuulooyin kale oo badan. qofkasta oo maanta booqda magaaladaas waxaa jira taariikh yaab badan oo uu ka dhadhansan karo iyadoo aan waxba loo sheegin marka uu ka fiiriyo muuqaalka magaalada meesha ay juquraafi ahaan dhacdo iyo sida ay u tahay meel muhiim u ah in qofkasta oo taariikhda darsaa uu u ogaado magaaladaas.