Xasan Dooy

Ka Wikipedia

Xasan Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Xasan Dooy ama Xasan Dheere, wuxuu ku dhashay 1937 kii degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo. Wuxuu guursaday 2 xaas, wuxuu ifka uga tagay 16 uu dhalay (11 rag ah iyo 5 dumar ah) iyo tarankooda. Xasan Dooy wuxuu ka qortay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed 1/08/1960 magaalada Baydhabo, wuxuu Kuruudka ka galay Dugsiga Sare ee Booliska ee ku yaal magaalada Muqdisho wuxuuna ku qaatay 9 bilood oo tababar askarinimo ah, wuxuuna markii u horaysay ka hawl galay Saldhigga Boliiska Bari ee ku dhaw Furdadii hore ee Xamar.

17/12/1961, kadib afgambigii fashilmay, Xasan Dooy iyo askar uu ku jiro waxaa loo qaaday magaalada Hargeysa wuxuuna ka hawlgalayey saldhiga magaalada Hargeysa muddo 3 sano ah. Wuxuuna halkaas ka bilaabay barashada luuqadda Ingiriisiga wuxuuna isla sanadkii u horeeyey ka noqday dacwad qoraha saldhiga (OB writer), isla sanadkii labaadna wuxuu galay koorso hal sano ah oo barashada caafimaadka ah oo uu ka dhigtay Kuliyadii Caafimaadka ee la oran jiray Hargeisa Medical College.

Dagaalkii 1964 kii ee Soomaaliya iyo Itoobiya, Xasan Dooy wuxuu ka qayb galay isagoo kaaliye caafimaad ah dulsaarna ku ahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qaby ka dagaal gashay tuulada Ina Guuxaa ee Gobolka Waqooyi Galbeed. Markii uu dagaalkii dhamaadayna wuxuu ku jiray askar loo soo badalay magaalada Muqdisho isagoo ka hawlgalay Saldhigii hore ee Stazione Centrale, Bayturraas, wuxuuna ka shaqaynayey muddo 3 bilood ah.

Dabayaaqadii sanadkii 1964 kii, Xasan Dooy waxaa loo badalay Saldhigga degmada Luuq Ganaane ee Gobolka Gedo, wuxuuna ka shaqaynayey mudo 6 sano ah, intii lagu jiray mudadaas wuxuu qatay 6 tababar oo heerar kala duwan ah oo ku saabsan culuumta booliska, sharciyada iyo aqoonta guud oo ku galay Dugsigii Sare ee Booliska, wuxuuna ka leexday xirfadii caafimaadka. Sidoo kale waxbarashada Dugsiga sare ayuu ku qaatay aqoon dirsi isagoo ka baranayey British Tutorial College, Nairrobi.

Kadib wuxuu ku biiray barashada Baaq Qarinta (Cifarario) waxaana tababar loogu diray Ufficio Speciale Della Polizia kadib wuxuu kusoo laabtay degmada Luuq Ganaane isagoo u qaabilsanaa qaybta Sirqarinta.

9 sano oo shaqo ah kadib markii u horeysay ayuu Xasan Dooy qaatay darajada Labo Alifle, kadib koorso uu ku galay Dugsiga Sare ee Booliska sanadkii 1969 kii, xiligaas oo ku beegnayd markii uu kacaanku la wareegay xukunka, waxaana laga dhigay Kaaliyaha Taliyihii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) ee gobolka Jubada Sare (Gedo) xaruntiisa Garbo-haarey.

03/4/1973 kii, Xasan oo ah Kormeere Koobaad waxaa layli sarkaal oo 6 bilood ah loogu diray Dugsiga Hay’adda Sirdoonka Midowga Soviet ee K.G.B, magaalada Moscow, markii uu soo laabtayna waxaa la siiyey darajada Xidigle, waxaana loo magacaabay Taliyaha NSS ee gobolka Gedo, wuxuuna shaqadaas hayey ilaa Agoosto 1978kii. Kadibna waxaa loo badalay Taliyaha NSS ta gobolka Shabeelada Hoose, Marka isagoo ah Dhamme. 01/01/1980 kii, Xasan Dheere waxaa loo badalay Taliyaha NSS ee gobolka Bari wuxuuna shaqadaas hayey ilaa 1983 kii isagoo ahaa darajada Gaashaanle waxaana loo badalay Taliyaha NSS ee gobolka Sanaag.

Sanadkii 1985 kii ayuu galay koorso tababar ah oo ay magaalada Muqdisho ugu qabatay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee C.I.A qaybteeda la yiraahdo International Training Group, waxaana loo dalacsiiyey darajada Gaashaanle Sare. 1987 kii, ayaa Xasan Dooy waxaa loogu qaaday tababar magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga, waxaana koorso 3 bilood ah siisay hay’adda sirdoonka ee SISIMI ITALIANO.

1988 kii ayaa Col. Xasan Maxamed Xuseen loo badalay Taliyaha NSS ee gobolka Galguduud. 1991 kii markii ay dhacday dawladii Soomaaliya ayuu Xasan u soo kacay gobolka Bari isagoo daganaa magaalooyinka Qardho iyo Garoowe ilaa iyo sanadkii 1992 kii.

Kadib markii dagaaladii sii xoogeysteen Col. Xasan Dooy wuxuu u qaxay magaalada Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, isagoo halkaas deegaan ka noqday wuxuuna daganaa mudo 8 sano ah, intii uu daganaa wuxuu ku biiray Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya (ESPDP), waxaa loo doortay xildhibaan labo jeer, sidoo kale wuxuu kamid noqday Gudiga Fulinta ee Xisbiga. Kadib mooshin guulaystay oo Xasan Dooy iyo 14 xildhibaan oo kale ay xilka kaga qaadeen Madaxweynihii Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee 1997 kii, Iid Daahir Faarax, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya waxay ku eedaysay Inqilaab inay sameeyeen iyadoo la xiray, Xasan Dooy wuxuu ku xirnaa 2 sano magaalada Jigjiga ee caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaana lasoo daayey sanadkii 1999 kii markaas oo uu dib ugu soo guuray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Intii u dhexaysan 1999 kii ilaa 2005 kii Col. Xasan Dooy wuxuu iska daayey shaqadii siyaasadda iyo ciidamada wuxuuna ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, isagoo diiday inuu xil ka qabto ciidamada Puntland. Balse sanadkii 2005 tii, ayaa dad badan oo masuuliyiinta dawladda iyo waxgarad ay kula taliyeen inuu wax ka yigleelo Hay’adda Nabad Sugidda Puntland, Puntland Security Services (PSS) taas oo si gaar ah u hoostagta madaxtooyada Puntland mishaarkeeda iyo adeegeedana ay bixiso sida laamaha kale ee Booliska iyo Asluubta.

Madaxweynihii Puntland ee 2005-2008, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), ayaa Col. Xasan Maxamed xuseen u magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Puntland ee PSS, wuxuuna tusay dadka in la samayn karo Hay’ad Nabad Sugid oo ka madax banana faragalin ajaanib. 10/01/2009 kii, markii la doortay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayuu Col. Xasan Dooy iska casilay Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda Puntland (PSS) sababo la xiriira da’da iyo baaxadda shaqada. 11/01/2009 kii, ayaa madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Faroole wuxuu Col. Xasan Dooy u magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha dhanka Ammaanka iyo Nabad Sugidda wuxuuna shaqadaas hayey ilaa iyo 08/01/2014.