Xigasho

Ka Wikipedia

Kooxda “Xigasho” waa hormo dhallinyaro ah oo isu xil qaantay in ay odhaahyaha xikmaddu ceegaagto ee ay leeyihiin dadyawga dunidu, dadka aan muslimka ahayn iyo Muslimba, madow iyo caddaanba, ugu hal-tebiso bulshadeeda afka Soomaaliga si ay uga dheefaan wixii toosin iyo tusaale ay sidaan. Waa weedho dhisaya wacyiga iyo adduun-aragga dadkeenna, kalsooni-dhisidda nafaheenna, ku dhiirrashada guusha iyo ka takhallusidda cabsida, u turaanturoonta xagga yoolku innaga xigo, isku hubaynta hubka ugu culus ee aqoonta, la rafiiqidda saaxiib ina dhiirrigeliya.

Waa koox u diyaar ah in ay hawshan si hor ilaahay iyo habeen aakhiro ah u qabtaan, qarashna aan ka doonayn ee ka doonaya qalbi raadooba. Mareegaha Soomaalida waa noocii u horreeyay kani, xigasho.org. Wuxuu hawada soo galay deggelkan (Xigasho.org) billowgii sannadkan 2015.

„Xigmaddu waa mid ka mid ah sifooyinka Ilaahay oo waaweyn.”