Xisbiga Nabadda

Ka Wikipedia

Xisbiga Nabadda (XISNA) جزب السلام Peace Party waxaa Muqdisho lagu aasaasay 26kii Meey 2016 waxaana si KMG ah loo diiwaangeliyey 19kii Nofeembar 2018 waxaana doorashada hoggaanka Xisbiga ugu horreeyey lagu qabtay Muqdisho 17kii Luulyo 2018


QEEXIDDA XISBIGA.

i.           XISBIGA NABADDA waa Xisbi siyaasadeed ka madax banaan Qabyaalad ama Koox kana mamnuuc ah taageeridda danaha gaarka ah ee ka soo horjeedda danta Ummadda iyo Qaranka. Xisbiga wax xiriir ah lama lahan Urur Diimeed ama Jabhadaha hubeysan; dhaqaalahiisuna wuxuu ku dhisan yahay isku tashi Xubnaha dhexdooda ah.

ii.           Hoggaanka Sare Xisbiga ee rasmiga ah waxa lagu dooran doonaa shirweynaha Koowaad ee Xisbiga muddo Laba Sano gudaheed oo ku beegan Bisha Todobaad Sanadka 2020ka. Inta laga gaarayo Shirweynaha Koowaad waxa xilka sii haynaya Maamul Sarre oo ay doorteen Taariikhda markay ahayd 17kii Jully 2018 Xubnaha Aasaasayasha Xisbiga ee ka kala yimid Gobollada Dalka.

iii.           Xisbiga Nabadda waxaa si kumeel gaar ah looga diiwaangeliyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka 19kii Bishii Kowiyo Tobanaad 2018kii laguna guddoonsiiyey Shahaadada KMG ah tiriskeeda yahay XD/GMDQ/KMG/030/18.


UJEEDOOYINKA XISBIGA

Ujeedada Xisbiga ayaa ah:

i.           Mideynta dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Xisbiga si loo gaaro kala dambeyn iyo horumar loogana gudbo jahwareerka iyo sharci darrida;

ii.           Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed si loo helo cadaalad iyo sinnaan ku dhisan nidaamka wadatashiga ee waafaqsan Dastuurka axdiga Qaran iyo kan Xisbiga;

iii.           Xaq-dhowrka iyo illaalinta awoodda Shacabka iyo barbaarinta bulsho ucodeysa aayaha Dalkeena;

iv.           Aasaasidda iyo ku dhiiranaanta horumarka bulshada iyo dabar goynta qiima beelka iyo dib udhaca bulshadeed ee laga dhaxlay dagaalada sokeeye;

v.           Abuuridda Ummad garasha wadaag ah iyo garaad wacan oo wadaniyad leh una horseeda wada noolaanshaha iyo danwadaaga guud haba ku kula dubanaadeene heybta iyo afkaarta iyo lahjadda iyo aragtida siyaasadeed;

vi.           Kobcinta horumarka dhaqaalaha si loo gaaro horumarka Danta Guud;

vii.           Taageeridda iyo horumarinta daryeelka iyo xuquuqda arrimaha biniaadamnimada, daryeelka Dumarka, Dhallaanka, Waayeelka, Dadka la heyb sooca iyo kuwa Baahiyaha Gaarka leh.

viii.           Dhowridda iyo horumarrinta jiritaanka Qaranka iyo dhowrista deriswanaagga iyo Nabadda Aduunka iyo Horumarka Cimilada iyo Quutul Daruuriga.


MABAADIDA XISBIGA

I.           Lahaansha Wadareedka Xubnaha ay u wada siman yihiin Xisbiga.

II.           Ilaalinta iyo u hoggaasanka Mabaadida iyo Sharuucda guud ee Xisbiga.

III.           Go’aan gaarista masiirka Xisbiga oo ku dhisan wadatshiga Xubnaha dhexdooda.

ARAGTIDA XIBIGA

ARAGTIDA IYO MABAADIDA XISBIGA AYAA AH:

i.           Dhowridda, u hoggaansanka iyo ku dhaqmidda Axdiga iyo Shuruucda Qarankeena ee khilaafsaneyn Shareecada Islaamka;

ii.           Xisbiga Nabadda waxaa uu aaminsan yahay jiritaanka, midnimada iyo xornimada Qaranka Soomaaliyeed yahayna mid lama taabtaan ah;

iii.           Siyaasadda Xisbiga waa mid Dhex-dhexaad ah oo ku qotama hannaanka dhexdhexaadnimada iyo xornimada raasimaalka wuxuuna ka dhowrsan yahay wax kasta oo xag jirnimo ah iyo takoorid;

iv.           Xoojinta hanaanka quutul daruuriga iyo suuqa xorta wuxuuna dhowrayaa xoojinta xuriyatul qowlka iyo xuquuqul Insaanka.

v.           Xoog saaridda hanashada Hogaamiyayaal iyo Heyado shaqo oo waafaqsan garashada Shuruucda iyo Xeerarka Xisbiga si qota dheerna uga shaqeeya hawllaha Xisbiga kana taga afkaaraha kale ee lidka ku ah arrimaha Xisbiga.


YOOLKA XISBIGA

 Hal Aragti Siyaasadeed


HAL KU DHIGGA XISBIGA

“Nebedaa naas la nuuga lee”.


HIIGSIGA XISBIGA

Xisbiga Nabadda waxaa uu hiigsanayaa JF Soomaaliya oo ah Qaran, Nabdoon, horumarsan, taabagal ah dowrna kuyeelata Beesha Caalamka.

HIMILADA XISBIGA

i.           Xisbiga Nabadda waxaa uu ku taamayaa hirgelinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan dimuqraadiyad, wada tashi iyo ka qayb gal buuxa oo ay xulashada u tartamayaasha Madaxda Qaranka heerarka kala duwan ka timaado dadweynaha.

AHMIYADAHA IYO QAYIMKA XISBIGA AYAA AH:

i.           Hanashada Xasilooni Siyaasadeed oo horseedda horumar iyo nabad waarta iyadoo loo marayo hanaan ku qotama wadatashi guud iyo maamul baahsanaan oo ku dhisan adkeynta iyo xoojinta Awooddaha Siman ee kala ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda iyo Garsoorka iyo adkeynta ku dhaqanka Awooddaha kala Sarreeya ee Dowlladda Dhexe iyo Dowllad Gobolleedka iyo Dowlladda Hoose iyo adkeynta ku dhaqanka Awooddaha Ilaalisa Xuquuqda Muwaadinka ku qotonta;

ii.           Ku dadaalidda Midnimada Ummadda Soomaaliyeed oo ah mid muqadas ah iyadoo loo marayo wada hadal iyo isu tanaasul horseeda in la helo Midnimo Qaran oo si waafi ah u matasho Ummadda Soomaaliyeed;

iii.           Xoojinta ku dhaqanka hanaanka dowlad wanaagga iyo horumarinta Adeegga asaasiga ee goobaha caafimaadka iyo waxbarashada Dowlliga iyo xarauumaha adeegga guud iyo hirgellinta mashaariicda shaqo abuurka ah.

iv.           Ku dadaalidda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale sida Isgaarsiinta casriga ah iyo Wadooyinka iyo Buundooyinka iyo Garoomada Diyaaradaha iyo Maalgelinta Mashaariicda Horumarinta Iskaashitooyinka Bulshada ee sababa kobaca dhaqaale.

QAAB DHISMEEDKA XISBIGA

1.      GOLAHA DHEXE XISBIGA EE QARAN                                            

2.      WAKIILADA XISBIGA EE DIBEDDA

3.      GOLAHA XISBIGA EE MAAMUL GOBOLLEEDKA

4.      GOLAHA XISBIGA EE GOBOLKA

5.      GOLAHA XISBIGA EE DEGMADA

6.      GOLAHA XISBIGA EE LAANTA

7.      GUDDIYADA XISBIGA

8.      GARABKA HAWEENKA XISBIGA

9. GARABKA DHALLINYARADA XISBIGA