Xuseen Cabdi Cabdullahi

Ka Wikipedia
Xuseen Cabdi Cabdullaahi
Hussein Abdi Abdullahi
حسين عبدي عبدالله
Magaca SaxdaXuseen Cabdi Cabdullaahi
Ku dhashay (1991-01-01) Janaayo 1, 1991 ( 33jir)
Muqdisho
DegenaanshoRenton, Washington
QoomiyadaSoomaali
WaxbarashadaAmerican Public University
ShaqadaDhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha iyo samafale
Loo yaqaanoHay'adda Caalamiga ee Horumarinta iyo Bani'aadannimada
Magaalada ka soo jeedoMuqdisho
DiintaSunni Islaam

Xuseen Cabdi Cabdullaahi (English: Hussein Abdi Abdullahi, Arabic: حسين عبدي عبدالله; dhashay Janaayo 01, 1991) waa Soomaali Mareykan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha iyo samafale. Waa Aasaasaha iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay'adda Caalamiga ee Horumarinta iyo Bani'aadannimada (IDHO), aasaasaha Naadiga Xuquuqda Carruurta (CRC) ee Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab - dhaqdhaqaaq dhalinyaro iyo wacyigelinta bulshada ee waxbarashada dhalaanimo.[1][2]

Noloshii hore[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xuseen Cabdi Cabdullaahi wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ka dhashay qoys reer miyi ah oo ka soo jeeda Ogaadeen (Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya) Aabihii wuxuu ahaa gabyaa ka soo hayaamay Bariga Itoobiya ee dhulka Ogaadeeniya. Cabdullaahi wuxuu ahaa ilmaha labaad ee ugu weynaa qoyska balaaran. Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu dhacay markii uu dhashay Cabdullaahi, qoyskiisuna waxay u qaxeen dalka deriska ah ee Kenya badbaado ahaan.[3]

Caruurnimo, Cabdullaahi wuxuu ku koray Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab ee Degmadda Gaarisa, Kenya - Degmo ku meel gaadhka ah iyo dhul saxarre u ekaha ah oo cimilo kulul waxay rajo u ahayd dad badan oo soo barokacay waxayna raaxo joogto ah u ahayd qaxoontiga sida Cabdullaahi oo kale ah. Hussein iyo qoyskiisa intabadan noloshooda waxay kuqaateen Dhadhaab qaxoonti ahaan 17 sano kahor inta aysan dib u dajin ka helin dalka Mareykanka.[4]

Wuxuu ciyaaraa kubada cagta noloshiisa oo dhan wuxuuna u ciyaaray Renton High School - RHS Boys Varsity Soccer muddo 3 xilli ciyaareed, wuxuu ciyaaray Sophomore-kii, Junior-kii iyo Senior-ka.

Waxbarasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cabdullaahi wuxuu dhigtey Iskuulka Hoose ee Getune ee Gaarisa illaa fasalka 5-naad wuxuuna markii dambe dhigtey Dugsiga Hoose ee El-Nino ee Dhagaxley. kadib markii uu dhamaystiray dugsiga hoose, isaga oo 17 jir ah Cabdullaahi iyo qoyskiisa waxay u guureen Mareykanka qaxoonti ahaan. Cabdullahi wuxuu bilaabay dugsiga sare ee Renton ee magaalada Renton, Washington wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 2011. Haatan wuxuu ka bartaa cilmiga xiriirka caalamiga iyo dibloomaasiyada jaamacada American Public University (APU).

Ururka IDHO[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cabdullaahi wuxuu la yimid fikradda abuuritaanka urur aan macaash doon ahayn oo ka caawiya bulshooyinka saboolka ah ilaha dhaqaalaha iyo in laga dhiso iskuullo meelaha aan lahayn iskuul. Ururku wuxuu diiradda saarayaa qeybaha caafimaadka iyo waxbarashada iyo sare u qaadista waxbarashada gabdhaha ee Afrika.

Ujeedada ayaa ah in la bixiyo adeegyada bini’aadanimo iyo adeegyada bulshada ee gobolka Geeska Afrika; Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.[5] Sidoo kale, ururku wuxuu bixiyaa fursado habnololeed oo waara oo lagu taageerayo bulshooyinka nugul ee tabarta daran ee ku nool miyiga iyo magaaladaba. IDHO waxay ka shaqeyneysaa sidii loo hirgalin lahaa helida fursado waxbarasho tayo leh, daryeel caafimaad oo dhamaystiran, biyo nadiif ah oo la cabi karo iyo fayadhowr, iyo horumar bulsho oo waara.[4]

Bani’aadamnimada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cabdullaahi wuxuu noqday Danjiraha Dhallinyarada ee Skyway, Washington ee Skyway Solutions - Ururka Horumarinta Bulshada ee kobcaya si loo siiyo dhalinyarada iyo hoy-laawayaasha fursad ay ku koraan kuna kobcaan. Wuxuu lashaqeeyay ururo badan oo jaaliyadeed oo ku yaala agagaarka xaafada weyn ee King County sida Somali Youth iyo Family Club ee barnaamijka iskuulka kadib.

Cabdullaahi wuxuu in ka badan 8 sano u ololeynaayay bulshada, dadaallada dhisidda nabadda iyo khabiir ku takhasusay arrimaha bani'aadamnimada iyo waxbarashada gabdhaha. Yoolkiisa ugu weyni waa in lasiiyo daryeel iyo caafimaad carruurta Afrika oo dhan iyo in laga xoojiyo gabdhaha da'da yar xagga waxbarashada iyo nabadda.[6]

Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cabdullaahi wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii Ururka Dhalinta iyo Ardayda Ogaadeen (OYSU) ee Gobolka Washington sanadii 2013. OYSU waa urur dhalinyaro caalami ah oo udooda xaquuqda shacabka soomaaliyeed ee kudhaqan gobolka Ogaadeen ee hoos yimaada Itoobiya. Ujeedadu waxay ahayd in la mideeyo dhamaan dadaalada dhalinyarada ee u ololeynaya xuquuqda shacabka Ogaadeeniya. Ururka OYSU wuxuu hiigsanayaa midaynta, abaabulka, iyo isdhexgalka hibada iyo kartida dhalinyarada ee qurbaha iyo kuwa dhulka Ogaadeeniya jooga labadaba.

Cabdullaahi wuxuu dib ugu laabtay deegaanka Soomaalida (Ogaadeen) bishii Maarso 2019 si uu ugu sameeyo qiimeyn iyo hubayn ku saabsan baahiyaha gargaarka bani'aadamnimo ee gobolka. Qiimeynta baahida bulshada waxay qaadatay ku dhowaad 5 bilood waana lagu guuleystay, iyadoo la ogyahay meelaha baahiyaha aadka ah ay ka jiraan Deegaanka Soomaalida.

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tirxraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Youth Empowerment, Sustainable Growth, & Safe Environment – Efforts of International Development & Humanitarian Organization (IDHO) in East Africa. BBN.
  2. Founding Principle of the International Development & Humanitarian Organization – A Stronger Youth, A Powerful Community. EDM Chicago.
  3. Community Development Starts with People – Role of International Development and Humanitarian Organizations in the Third World Archived Sebteembar 16, 2020 // Wayback Machine. The Times USA.
  4. 4.0 4.1 An organization working on the true principles of sustainable development – International Development & Humanitarian Organization (IDHO). Vents Magazine.
  5. Hussein Abdi’s International Development & Humanitarian Organization is Helping in Strengthening the Communities in East Africa. The Daily Blaze.
  6. International Development & Humanitarian Organization Fulfilling Its Promise of Sustainable Growth & Development of Communities. Curious Mind Magazine.