Zaki cali gurey

Ka Wikipedia

SIDA UGU FUDUD EE DURBADIIBA FARXAD LOOGU BEERI KARO QULUUBTA DADKA KALE

Haddii si fiican loo fuliyo talooyinkan waxay kordhin doonaan farxadda reerka. Waa inaan farxadda badsano.

„Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan. Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray. Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.” Nebi Aadan si weyn buu u farxay oo wuxuu yiri: “Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga.”

„Dhisidda iimaanka runta ah waxay keentaa barakooyin badan. Run ahaan waa waddada nolol farxad leh hadda ilaa weligeedba.” „Cunug markuu idiin dhasho waa farxad weyn isla markiina waa masʼuuliyad weyn.”

„Ilaahay wuxuu rabaa inaan adduun janno ah weligeen farxad iyo nabad ugu noolaanno!” “Waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.” „Ilaahay wuxuu inoo muujiyaa run farxad iyo rajo ina siisa.” „Ilaahay wuxuu samada inaga siiyaa roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadeenna ka dherginaya cunto iyo farxad.” „ Ilaahay wuxuu ina siin doonaa xaalado kaamil ah iyo nolol weligeed ah. Adduun qurux badan baan ku raaxaysan doonnaa nabad, farxad iyo caafimaad kaamil ah.”