Alshabab
Al-shabaab magaca ay la baxdey waa (Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab). waxa ey dhisantahayy mudadi ka danbeysay sanadku markuu ahaa 2003 iyadoo ka soo dhex baxdey xarakaatki islaamiga ahaa ee waagaas ka hor dhismey sida xarakada islaax, tajamuc al islami iyo wiliba xarakaatki takfiiriga ahaa ee markaa ka jiri jiray qeybo ka mid ah wadanka somalia. xarakaadkan dhismey kadib bur burki dowlada dhexe ee somalia waxa ey dhamaantood qabeen fikir ah in wadanku uu yeesho dowlad islaami ah laakin shaqsiyaatka ku mideysan xarakaatkaas ayaa iyagu laf ahaantooda ku kala duwnaa sida lugu gaari karo dowlad islaami ah oo ey somalia yeelato. shaqsiyaadka qaar ayaa qabay in lugu gaari karo oo kaliya dowlad islaami ah in la qaato qori oo lala dagaalo inta ka soo horjeeda taasoo dabcan ey kow ka ahaayeen hogaamiya kooxeedyadi ka jiray dalka somalia gaar ahaan gobolada koonfureed mudadi wixi ka danbeeyay burburki xukuumadi siyaad barre ilaa 2006 . halka shaqsiyaadka qaarne ey qabeen inaan dagaal wax lugu raadinin ee dadka laga saameeyo xaga dhaqaalaha iyo tacliinta taasoo runti wax badan ka tartey inuu si sahlan ku faafo mabda,a xarakaatki markaas ka shaqeynayay dhanka tacliinta iyo dhaqaalaha. kadib marki ey midoobeen maxaakimti islaamiga oo iyagu ka koobnaa shaqsiyaat kala duwan oo ku kala jirey xarakooyin kala duwan ayaa waxaa ey u sahlanaatay iney qabsadaan inta badan koofurta somalia waxaan la dhihi karaa iney qabsashadaas soo dedejisay ururki la magac baxay la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabada ee lagu dhisay xarunta qanyare ee degmada dayniile 28-2-2006 taasoo dadka somalida ah loo tusiyay in uu ururkaasi yahay mid qandaraas ku soo qaatey inuu baabi,iyo islaamka .. waxey ku soo shaac baxdey ama ka faaiideysatay baahidi dadka somaliyeed gaar ahaan kuwa koofurta daga ey u qabeen iney helaan nabad iyo amaan, taasoo sababtey iney taageero buuxdo siiyaan midowgi maxaakimta islamaamiga ee ka howl galayay koonfurta dalka sanadihi 2005 ilaa 2006.