Caleen

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Caleen

Caleemuhu waa xubinta u qaabisan ineey cuntada u sameeyso geedka ayagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.

Caleen wadar ahaan Caleemo (ingiriis: Leaf) waa xubin midab cagaaran leh oo ku taala laamaha geedaha. Caleentu waa xubin yar oo balaadhan, khafiif ah, kuna taala qeeybaha sare ee laamaha geedka, taas oo shaqadeedu tahay ineey sameeyso cuntada dhirtu u baahan tahay si eey u korto iyo noolaato.

Inta u badan dhirta, Habka Samayska Cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaa caleemaha iyo laamaha geedka, halkaas oo biyaha, awooda ileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku ku falgalaan. Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxa Ogsajiin caleemuhu cirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.