Kaarboon

Ka Wikipedia
Kaarboon ku jira juquraafiga taariikhiga ah, eeg Kaarboon (da'da)
Garafayt (bidix) iyo dheeman (midig) labo sinji oo caarboo
Kaarboon
Sinjiyo: garafayt, dheeman iyo kuwo kale
Qaab: Garafayt : madowdheeman: dhalaalsan
Kaarboonku markuu la mataanoowo curiye kale falgalkaas waxaa ka soo baxa macdan aad u qaali ah, sida isku dhiska dheemanta, graphite-ka iyo amorphous.

Kaarboon (Ingiriis: Carbon) waa curiye kimikeed oo astaankiisu yahay C tiro atameedkiisuna yahay 6. Waa Birma-ahe afar-kaaftoome ah— adeegsadana afar elektoroon si uu u sameeyo dabarwadaag kimikeed. Wuxuu ka mid yahay tusaha kalgalka ururkiisa 14-aad. Saddex aysatoob waxay u dhacaan si dabiici ah, 12C iyo 13C waa deganyihiin meesha uu 14C uu yahay Raadiyo-bu'le (Radionuclide), kuna mataataxa cimri-badh da'diisu tahay 5,730 sano. Kaarboonku waa mid ka mid ah curiye-yashii la ogaa waayadii hore.

Kaarboonku waa curiya 15aad ee ugu badan kuwa dhulka ogadiisa laga helo, waana kan 4-aad ee ugu badan dhanka cufka markii la eego koonka kadib haydarojiin, Hiiliyam iyo ogsajiin.

Kaarboonku markuu la mataanoowo curiye kale waxaa soo baxa macdan aad u qaali ah, sida isku dhiska dheemanta, graphite-ka iyo amorphous.

Taariikhda Kaarboonka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Noocyada ugu badan ee Kaarboon ee naqaano waxaa ka mid ah kuwa sida dabiiciga ah looga helo oogada dhulka sida Nuurada, Dhuxul Dhagaxa, Saliida dhulka. Maadaama Kaarboonku la fal-galo curiyeyaal badan, waxaa aad u badan Isku-dhisyada (compounds) uu leeyahay oo waa curiyaha ugu isku-dhiska badan dhamaan. Sidoo kale kaarboonku waa curiyaha toban-iyo-shanaad ee ugu badan, iyo midka afaraad ee ugu cufka weyn leh.

Atomka Kaarboonka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Fal-galka Kaarboonka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Isticmaalka Kaarboonka[wax ka badal | wax ka badal xogta]