Bangladesh
Bangladesh ama Jamhuuriyadda shacabka Bangladesh (af-Bangali: বাংলাদেশ. waa wadan ku yaalo Koonfurta Aasiya. wadanka markiisa hore waxaa ladhihi jiray Baribakistaan waxii kahoreeyay 1971. wadanka waxoo xuduud la leeyahay, wadanka Hindiya oo ka xigta galbeedka,waqooyiga iyo bariga, wadanka Burma waxoo ka xigaa bariga, koonfuta neh waxaa ka xiga Badweynta Hindiya.
Bangladesh waxa ay xoriyada ka qaadatay dalka Bakistaan sanadku markuu aha 1971, ka dib dagaal dheer oo ay wadeen kooxda goolwadayaasha bangladesh. bangladesh waa wadan dhaqaale ahaan aad u liita wxaa jira dadyoow ka soo jeeda wadankan oo ku firxaday aduunka Dalka jamhuuriyada Bangladesh waxa uu kamid yahay dalalka ku yaala qaarada Eshiya waxana uu xuduud la wadaaga dalalka ay kamid yihiin Hindiya, Burma iyo Nepal. Dhinaca koonfureedna waxa uu xuuduud kala wadaaga badwaynta Hindiya. Waana mid kamid ah wadamada la yidhaa koonfur bari Asia.Caasimada dalka Bangladhes waxa la yidhaa Dhaka, .
Qoraalka gudaha oo kooban |
[Wax ka bedel] Bedka
Dhulka uu ku fadhiyo dalka Bangladesh waa 55,598.71 oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 144,000.00 oo (kiilimirir laba jibaaran). Bangladesh waxa uu ku dhowyahay bedka gobolka (Wisconsin) ee dalka Maraykanka.
[Wax ka bedel] Dadka
Dadka reer Bangladesh waxa ay tiradoodu kor u dhaafataa 158-milyan oo ruux, waana tirakbookii laqaaday sanadkii 2010-kii.
[Wax ka bedel] Afka
Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa ugu horeysa luuqada maxaliga ah ee Bangla waxana soo raacda luuqada ingiiska oo ah afka dalkii gacanta ku hayay Bangladesh xiligii gumaysiga. Diinta:Diimaha laga aaminsan yahay gudaha dalka Bangladesh waxa ugu badan dadka haysta diinta Islaamka oo gaadhaya 83%, halka diinta Hinduugu ay dadka haystaa gaadhaan boqolkiiba 16%, dadka soo hadhayna waxa ay hasytaan diimo kale. Cimriga: Rajada nolosha ee dadka ku dhaqan dalka Bangladesh ayaa waxa ay celcilis ahaan gaadhaan 60-sano oo ragg iyo dumarba ah.
[Wax ka bedel] Dawlada
dowlada dalka Bangladesh waa dowlad Baarlamaani ah (parliamentary democracy). Lacagta: Lacagta laga isticmaalo dalka waxa la yidhaa taka (Tk).
[Wax ka bedel] Warshadaha
Dalka Jamhuuriyada Bangladesh waxa uu hodan ku yahay warshadaha waxana kamid ah waxayaabaha ay soo saaraan warshadadaha ku yaal Bangladesh, dharka, waraaqaaha, sonkorta, cudbiga, sibidhka, laydhka iyo qayb kamid ah Technolig-yada.
[Wax ka bedel] Beeraha
beeraha waxa si balaadhan looga beeraa midho badan oo uu ugu horeeyo geedka caanka ka ah qaarada Eshiya ee Bariiska. Waxa kale oo ka baxa beeraha dalka Bangladesh Shaaha, Qamadiga, Sonkor- khaanka, Tubaakada, khudrada, iyo saliida.
[Wax ka bedel] Xoolaha
waxa laga dhaqdaa dalka Bangladesh xoolo kala duwan waxana jira goobo lagu xaananeeyo digaaga. Dhulka la istimcaalo ee dalka Bangladesh waa boqolkiiba 73% kamid ah cabirka guud ee dalka.
[Wax ka bedel] Khayraadka
khayraadka dabiiciga ah ee Bangladesh Gaaska dabiiciga ah, Geedka timber-ka iyo dhuxul dhagaxda.
| Dalalka Aasiya | |
|---|---|
| Aserbiijaan | Bakistaan | Bangladesh | Baxrayn | Burma | Butaan | Ciraaq | Cumaan |Falastiin | Hindiya | Imaaraatka Carabta | Israaiil | Jabaan | Jasiirada Maldiif | Kambodiya | Kasakhstan | Kirgistan | Koonfur Kuuriya | Laos | Lubnaan | Malaysiya | Qargistan | Ruushka | Sacuudi Carabiya | Shiinaha | Siri Lanka | Suuriya | Tayland | Turki | Urdun | Usbekistan | Fiyetnam | Waqooyiga Kuuriya | Yemen | Afqaanistan | Singabuur | Filibiin | Iiraan | Indunisiya | |