Bare

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan macalinka.
Bare cashir u dhigaya arday

Bare (ingiriis: teacher;) waa qof waxbarasho u dhiga arday. Jaadyada macalimiintu way kala duwan yihiin, ka soo biloow macalinka diinta, macalinka xaafada, macalinka dugsiyada, macalinka khabiirka ah (sidoo kale loo yaqaano proffoser) ilaa shakhsiyaadka takhasuska ku ah xirfado gaar ah, dhammaan waxay ka siman yihiin waa qof waxbaraya, fahansiinaya, u sharaxaya qof kale. Qofka wax baranaya waxaa lagu magacaabaa "arday".

Sida caadiga ah, macalinku waa mid aqoon fiican u leh waxa uu barayo, sidoo kale leh cilmi guud ahaaneed taasi oo u fududeynaysa inuu la jaanqaadi karo noocyada kala duwan ee waxbarashada.

Ereyga macalin ma ahan erey asal ahaan ka mid ah luuqada Soomaaliga; waxaanu ka soo amaahanay ereyga Al-macalim ee Afka Carabiga.

Sida diinta Islaamku sheegtay macalimku waa waalidka labaad ee ardeyga. Taas macnaheedu waa qadarin, sharaf iyo naxariis badan ayuu kugu leeyahay macalinka wax ku baraya.