Bill Gates
Ka Wikipedia
William Henry "Bill" Gates III (28 Oktoobar, 1955). Waa nin ganacsade iyo programmer ah isla markaasna ah samafale. Waana ninka ugu hodantinimo badan caalamka. Bill gates iyo Paul Allen waxey wada asaaseen shirkada Microsoft sanadkii 1975kii.
[Wax ka bedel] Noloshiisii Hore
Wuxuu ku dhashtay Seattle, washignton 28kii October 1955kii. Waalidkiisana waxaa la yiraahdaa William H. Gates, Sr. iyo Mary Maxwell Gates, waxaa la dhalatay Gates labo walaalo.
Wuxuu ku soo barbaaray yaraantiisa gates qooys magac ku leh taariikhda siyaasada iyo ganacsiga iyo adeega bulshada. Aabihii wuxuu ahaa Garyaqaan(Lawyer) sare, Hooyadiina waxey qabatay jago maamul jaamacada washignton. wuxuu aad ugu wanaagsanaa gates yaraantiisii iyo waliba xiligii iskuulka hoose maadooyinka sida Xisaabta iyo Scienceka, walidkiina waxey ogaadeen maskax furfurinada wiilkooda waxeyna geeyeen iskuulka (Lakeside) oo ku sareeyay heerka waxbarasho.Go'aankaasna wuxuu saameyn weyn ku yeeshtay nolosha gates waayo wuxuu markii ugu horeysay uu ku arkay Computerka.
[Wax ka bedel] Khibradiisii ugu horeysay ee Computerka
By:Mukhtar Hamrawi. hamrawi@live.com