Gaaca

Ka Wikipedia
Gaaca
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
Meesha ku taalo
Wadanka Somalia
Meesha30 KM ka xigta dhanka koonfureed Bari Magaalada Boosaaso

Gaaca, Ga'a; waa deegaan aad quruxsan oo soo jiidasho leh waxay Isugu jirtaa Beero iyo goob dalxiis oo dabiici ah oo leh ilo Biyoodyo aan go'in, Warro biyo jiifeen ah, Biyo dheceeno, Beero, Biyo qulqulaya oo macaan iyo Kaymo waaweyn oo jiq ah oo dalxiiska iyo tamashlahaba ku wanaagsan, Ishana u roon[1]. Gaaca waa deegaan barwaaqo ah waxaana ku nool Duur joog farabadan oo ay kamid yiihiin ugaadha noocyadeeda kala duwan, Noocyada shimbiraha dalka iyo noocyo badan oo Duur joogta qaybeheeda kale duwan ah.

Waxay ku taal Togga weyn ee Baalade, 30 KM ayeey dhanka koonfureed ka xigtaa magaalada Boosaaso. Gaaca waxay ka mid tahay meelaha ugu caansan ee loo dalxiis tago, waxaana aad u booqda dalxiisayaal Ajaanib & soomaali.

Barxadda Gaaca[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Barxadda Gaaca waxay ku taal Ka soo horjeedka Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, Jihada Galbeed ayeey Kaa qabaneysaa Marka la joogo Dhismaha Kowaad ee Dowladda Hoose ee Boosaaso, Barxadda Gaaca (Gaaca Square) Waa Fagaaraha Ugu ee Caansan Magaalada Boosaaso, Bartamaha barxadda waxaa ku yaal Aargada Magaalada, waxay ku taal meel 4 Wado Isugu yimaadaan Waana Goobta kowaad ee dadweynuhu Isu Taggaan Xilliyada Fantasiyaha, Isu soobaxyada, Iidaha IWM. Dhismayaasha caaradka ku haya Barxadda qaybtood waxay magac wadaag la yihiin Barxadda Sida Dabaqa Gaaca oo ka mida Saraha ugu ku hareeraysan Barxadda.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]