Gaamur

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Gaamur

Crystal Clear app kdict.png Faahfaahin :Sifeynta
Ceel shidaal laga qoday oo ku yaala Texas, Maraykanka.

Gaamur (ingiriis: Tar) waa waa dareere jaamud ah oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah, midabkiisu madoow yahay, ka samaysan isku dhisyo haydarokaarboon ah, oo laga helo oogada dhulka hoosteeda.

Gaamurku wuxuu ka mid yahay saliida dabiiciga ee dhulka, waana hadhaaga marka la sifeeyo shidaalka.

Gaamurka oo ka mid ah Shidaalka ayaa wuxuu ka samaysmay markii tiro badan oo noole dhintay ah - u badan dhir iyo algea - ku aasmeen dhagaxa sedimentary hoostiisa, halkaas oo cadaadis iyo kul badan ku helay malaayiin sano ka hor.

Marka la derso deegaanka iyo qaabdhismeedkiisa jiyooloji, ayaa shidaalka la qodaa, ka dib saliida qaydhiin la warshadeeyaa ayadoo kul badan la isticmaalayo. Waxaana soo baxa shidaalka gasoline (petrol), kerosene, Naafto, Gaaska faysnuska lagu shido, gaamur ilaa laga gaadho asphalt iyo kimikooyink kale oo laga sameeyo bacaha iyo sheyo kale.

Guud ahaan, Gaamurka waxaa loo isticmaalaa in lagu dhiso laamiyada.