Galatasaray SK

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Galatasaray
Galatasaray SK crest

Galatasaray Spor Kulübü

(Naadiga Isboortiga ee Galatasaray)
Waxaa la Assaasay 1905 iyadoo loo bixiyey: Galata-Serai Football Club
Naaneesaha Cimbom
Aslan (Libaaxyada Istanbuul)
Sarı-Kırmızılılar (Jaale-Guduud)
Avrupa Fatihi (Furayaasha Yurub)
Gala (intabadan waxaa u yaqaannaa Yurub)
Midabada Kooxda Jaalle iyo Guduud
Madaxweynaha Kooxda Ünal Aysal
Website http://www.galatasaray.org/
Turk Telekom Arena

Galatasaray SK waa koox-banooni oo ka dhisan magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga. Galatasaray SK waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1905waxa ayna ku dheelaan garoon ay ayaga leeyihiin ee lagu magacaabo Turk Telekom Arena waxa uuna qaada garoonkaas in ka badan 52500 oo daawadayaal ah. kooxdani waa tan ugu guulaha badan uguna taageerada badan kooxaha wadankaas ayadoo aduunka oo dhan ku leh taageeroyaal kor u dhaafaya ilaa 40 milyan oo qof.

Laacibiinta Galatasaray SK 2013[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Nambarka Jinsiyadda Booska uu ka dheelo Magaca
3 Brasil Khadka Dhexe Felipe Melo
4 Turkish Khadka Dhexe/Garab Hamit Altıntop
5 Turkish Difaac Gökhan Zan
6 Turkish Khadka Dhexe Ceyhun Gülselam
8 Turkish Khadka Dhexe Selçuk İnan (Kabtanka kooxda)
10 Holland Khadka Dhexe Wesley Sneijder
11 Ivory Coast Weerar Didier Drogba
13 Cameroon Difaac Dany Nounkeu
17 Turkish Weerar Burak Yılmaz
19 Turkish Weerar Umut Bulut
21 Cameroon Difaac Aurélien Chedjou
22 Turkish Difaac Hakan Balta
24 Turkish Khadka Dhexe Erman Kılıç
25 Uruguay Gool Haye Fernando Muslera
26 Turkish Difaac Semih Kaya
27 Ivory Coast Difaac Emmanuel Eboué
35 Turkish Khadka Dhexe Yekta Kurtuluş
39 Turkish Khadka Dhexe Yiğit Gökoğlan
50 Turkish Khadka Dhexe Engin Baytar
52 Turkish Khadka Dhexe Emre Çolak
53 Morocco Khadka Dhexe/Garabka Nordin Amrabat
55 Turkish Khadka Dhexe/Garabka Sabri Sarıoğlu (Kabtan xigeenka)
67 Turkish Gool Haye Eray İşcan
77 Spain Difaac Albert Riera
82 Turkish Gool Haye Aykut Erçetin
86 Turkish Gool Haye Ufuk Ceylan

Tartanka Ka Dhexeeyo Galatasaray SK Iyo Fenerbahce SK[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Derbiga Qaardaha Caalamka, (Kitalar Arasi Derbi); waa magaca ciyaar kasta oo dhexmarta Galatasaray S.K iyo Fenerbahce S.K. Labadan koox ayaa ah kuwa ugu guulaha badan islamarkaana loogu taageeridda badanyahay guud ahaan dalka Turkiga waxayna ka kala dhisanyihiin labada daamood ee magaalada Istanbul; Galatasaray waxay ka dhisantahay garoonka Turk Telekom Arena oo ku yaala daanta Yurub ee magaalada halka Fenerbahce ay ka dhisantahay garoonka Kadikoy Stadium ee ku yaal daanta Aasiya ee Istanbul.

Sida caadada ah ciyaar kasta oo dhex marta labadan koox waa mid xamaasad badan lagana daawado dunida dacaladeeda oo dhan sawaxanka, foorida iyo qoobka ciyaarka taageeroyaasha ayaa xiiso usii yeela ciyaaraha Galatasaray iyo Fenerbahce dhexmara. Kooxahaan tartankooda ayaa ka talaaba kubada cagta oo gudubba suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, dhaqaalaha, taageeroyaasha iyo qaybo kale.

Sidoo kale waxaa jira koox seddexaad oo lagu magacaabo Besiktas J.K oo kooxahaan xifaaltan adag kala dhexeeyo ciyaaraha dhex marana aad loogu taxan yahay , Galatasaray, Fenerbahce iyo Besiktas waxaa la isku dhahaa seddexda waaweyn.