Lo'

Ka Wikipedia

Lo

Sac.

Lo' (Ingiriis: Cattle) waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Si la mid ah noolaha kale, lo'du waxay u kala baxdaa dibi oo ah lab la xardhay, yoc oo ah lab la xardhin, iyo sac oo ah dhedig. Sidoo kale, lo'du waa xayawaan naasley ah. Taas micnaheedu waa in sacu nuujiyo ilmahiisa.

Sacaha waxa laga maalaa caano la cabo, mar ahaantaana laga sameeyo subag, burcad, yoghurt iyo waxyaabo kale.

Dhinaca kale, lo' labeed oo ah dibida waxaa loo isticmaalaa in beeraha lagu qoto, wax lagu jiito iwm.

Wakhti laga joogo 10,500 oo sano, ayaa lo'da lagu dhaqan jirey koonfurbari dalka Turkiga. Intaas oo qarni oo ka dambeeysay lo'du waxay ku faafeysay dunida. In ka badan 1.3 bilyan oo lo' ah ayaa maanta ku nool daafaha dunida.

Guud ahaan, lo'du waa xoolo muhiim u ah aadamaha ayagoo laga helo hilib uu nafaqo ka helo jidhka dadku, dhogor laga sameeyo dharka, xadhkaha iwm. Intaas waxaa dheer, saxarada xoolaha laga helo waxaa lagu nafaqeeyaa carada.