Dibi

Ka Wikipedia
Dibida waxa loo isticmaalaa in la rarto iyo ineey wax jiidaan.

Dibi (Af Carabi : arAf-Taliyaani : bue Af Ingiriis : ox Amxaari: በሬ}) waa xoolo gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Dibigu waa labka lo'da, halka sacu yahay dhediga. Dibigu waa lo'da la xardhay, halka yocda uu yahay dibi la xardhin.

Dibida waxaa loo isticmaalaa in beeraha lagu qoto, wax lagu jiito, iyo hilibkooda oo la cuno.

Wakhti laga joogo 10,500 oo sano, ayaa lo'da lagu dhaqan jirey koonfurbari dalka Turkiga. Intaas oo qarni oo ka dambeeysay lo'du waxay ku faafeysay dunida. In ka badan 1.3 bilyan oo lo' ah ayaa maanta ku nool daafaha dunida.

Somaliya marka loo eego waa xoolaha sadexaad ee ugu muhiimsan marka laga soo tago geela iyo arriga

Guud ahaan, lo'du waa xoolo muhiim u ah aadamaha ayagoo laga helo hilib uu nafaqo ka helo jidhka dadku, dhogor laga sameeyo dharka, xadhkaha iwm. Intaas waxaa dheer, saxarada xoolaha laga helo waxaa lagu nafaqeeyaa carada.