Ubuc

Ka Wikipedia

Ubuc

Ubucdu waa qeybta dhexe ee jidhka dadka.

Ubuc (ingiriis: Torso) waa qeybta dhexe ee qaab-dhismeedka guud ee dadka iyo xayawaanka. Ubucdu waa lakabka dhexe ee jidhka taas oo ka kooban laab, calool iyo wixii ku dhex jira intaas.

Ubucdu waa mashiinka kala wada shaqada unugyada iyo xubnaha jidhka, sababtoo ah waxaa waaxdan ku yaalaha xubno aad muhiim u ah, sida: wadnaha, sambabada, caloosha, dhabarka iyo dhamaan xubnaha la mataanka ah intaas.

Labada Sambab, wadnaha iyo xididaha dadka oo lagu daray feedhaha ayaa waxa la isku yidhaahdaa laab.

Dhabarku kuma jiro laabta, laakiin wuxuu ka mid yahay ubucda.