Abuu xasan ashcari

Ka Wikipedia

Abuu xasan Al-shcari waa caalim ka mid ahaa salafka wanaagsan, Madhabka Ashcariyada ayaana loo nisbeeyaa.

Taariikh nooleedkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abtirsiintiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu xasan Al-shcari magaciisa oo dhameestiran waa; Cali bin Ismaaciil bin isxaaq bin saalim bin Ismaaciil bin cabdulaahi bin muusa bin bilaal bin abii burda bin abii muusa al-ashcari. Wuxuu galaa saxaabiga Abuu Muusa Al-shcari ee ka mid ahaa saxaabada kuwa sareeyo cilmiga iyo fadli, Nabigana scw oo ku amaanay Axaadiis badan asaga iyo jamaacadiis ashcariyiinta.

Dhalashadiisa iyo barbaaridiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu ku dhashay magaalada Basra ee Ciraaq sanadkii 260H sida xooga badan, waxaa sidoo kale la yiri 270H.

Aabihiis wuxuu ahaa qof ahlu cilmi ah wuxuuna dhintay wiilkiisa oo yar, Hooyadii waxaa guursaday nin kale waa Abuu cali Al-jubaa'i oo ka mid ahaa culumada muctazilada, wuxuu la noolaa Hooyadii iyo saygeeda, yaraantiis wuxuu qaatay madhabka muctazilada, wuxuuna caan ku ahaa dhiiranaan iyo awoodida doodaha, wuxuu gacan yare u ahaa Abuu cali Al-jubaa'i, Mudo sodon sano ayuu daafacaayay fikirka muctazilada ilaa markii dambe uu ka laabtay.

Cilmiga wuxuu ka qaatay abii khaliifa Al-Jumaxi, Zakariya Al-saaji, Abuu cali Al-jubaa'i iyo culumo kale, waxaa asna ka qaatay cilmiga imaamyo ay ka mid yihiin Abuu xasan Al-baahili iyo Abuu xasan Al-karmaani iyo kuwo kale oo badan, waxaa lagu soo guuriyay tilmaamihiisa wax ka waramaayo dabeecadihiisa la mahdiyo, waxa uuna lahaa fahmad xad dhaaf ah iyo cilmi badan, intaa waxaa sii barbar socday kaftankiisa iyo shactaradiisa uu lahaa[1].

Ka laabashada fikirka muctazilada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu xasan waxaa ku yimid is badal madhabkii muctazilada ayuu ku qanci waayay, Mudo ayuu dadka maqnaaday, markii dambe ayuu masaajidka ka istaagay wuxuuna shaaciyay inuu ka baxay madhabkii Muctazilada ahaa, maalinkaas ka dib wuxuu bilaabay inuu radiyo afkaarta muctazilada kutubo badan ayuuna ka qoray.

Waxey kutubta caqiidada qortaa dood dhax martay Abuu xasan iyo shiiqiis muctaziliga ahaa Abuu cali Al-jubaa'i, Abuu xasan ayaa dhahay "Maxaa ka leedahay sedex qof oo dhinteen, midkood uu ahaa muumin wanaagsan, mid kale uu ahaay gaal caasiyay, kan kalena uu ahaa canug saqiir ah?" Abuu Cali Al-jubaa'i ayaa ku jawaabay "kan Muuminka ahlu jano waay, kan gaalka waa ahlu naar, kan saqiirka Jano iyo Naar midna ma jiro, Abuu xasan ayaa dhahay "ka waran haduu dhaho saqiirka ilaahow ani jano maxaa ii geyn waasay?" Abuu cali ayaa dhahay: "waxaa la leeyahay janada ninkii shaqeysto aa leh adi waxba lama imaan". Abuu xasan wuxuu dhahay: "Haduu dhahana saqiirka aniga gaabis ma sameyn hadaa i nooleyn la hayd waxaa sameyn lahaa camal fiican oo jano ku galo". Abuu cali ayaa dhahay "waxaa la leeyahay hadaa noolaan la hayd waa caasin la hayd ciqaab ayaana mudan la hayd, marka maslaxadaad ayaa la ilaalshay qaangaarka ka hor ayaa luu dilay" Abuu xasan wuxuu dhahay: "haduu gaalka dhaho rabiyow waad ogeed xaaladeyda sidaa u ogeed xaaladiis maxaadan u ilaalin teyda asigoo kale?" Abuu cali ayaa warkii ku dhagay jawaabna wuu waayay.

Madhabka Ashcariyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu xasan Al-shcari wuxuu ku dhisay madhabkiisa qaab dhex dhexaad ah oo waafaqsan habkii salafka ay ku socdeen, tusaale kuma xeel dheeraan sifaada sida mujasimada oo kale mana wada inkirin sida muctazilada oo kale, waxa oo u maray xujada oo wax ku daliishanaayo Qur'aanka, Sunada iyo caqliga, Culumada islaamka ee Afarta Madhab iyo kuwa mufasiriinta ayaa aqblaeen Madhabka Abuu xasan Al-shcari waxeyna ka dhigteen madhabkooda, Culumo waaweyn sida imaamu xarameyn iyo Gazaali ayaa madhabka ku sii xoojiyay kutubo badan oo ka qoreen.

Dhimmashadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waxa uu dhintay Abuu xasan Ashcari sida Taariikhyahano badan sugeen 324H, Magaalada Baqdaad ayaana lagu duugay, waxaana janaasadiisa lagu dhawaaqay "Maanta ayuu dhintay u hiiliyaha sunada[2].

Hadalada laga yiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kitaabada uu qoray[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu xasan Al-shcari wuxuu qoray kutubo badan Xaafidka ibnu casaakir wuxuu ku sheegay kitaabkiisa lagu magacaabo "Tabyiinu kidbi muftari" imaamka kutubtiis inay kor u dhaafeyso 300 oo kutub.

Waxaana kitaabadiisa ka mid ahaa

  • Maqaalaat Al-islaamiyiin wakhtilaaf Al-musaliin
  • Al-lumac fii radi calaa ahli zeyg wal bidac
  • Risaalatu istixsaan al-khowdi fii cilmil kalaam
  • Al-Ibaana can usuuli diyaana waxaa dood ka jirtaa kitaabkaan, qaar badan oo culumada ashaacirada ah ayaa qaba inay gacmo shisheeyo kitaabka fara galiyeen
  • Al-Raddu Cala Al-mujasima

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. ^ أ ب ت "كتاب سير أعلام النبلاء "، al-maktaba.org، اطّلع عليه بتاريخ 2020-05-11. بتصرّف.
  2. Template:استشهاد ويب