God Xisaabeed
Appearance
(Waxaa laga soo toosiyay Afar-god)
Goddadka Xisaabta
[wax ka badal | wax ka badal xogta]God-xisaabeed waa hab ama qaab ka mid ah cilmiga xisaabta lagu kala saaro godadka tirooyinka.
Tusaale ahaan tiroda todoba waxay ka mid tahay tobanka lambar ee la isku yidhaahdo Hal-godleey. Halka tirada konton-iyo-shan ka tirsan yahay Labo-godleeyda oo ugu dambeeyso sagaashan-iyo-sagaal.
Qeeybaha Goddadka Tirada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Goddadka tiroda lama soo koobi karo, laakiin waxaa u muhiimsan oo ugu horeeya kuwan hoos ku xusan:
- Hal-godleey = 0 - 9 oo loo yaqaano Kowaad.
- Labo-godleey = 10 - 99 oo loo yaqaano Tobanaad.
- Sadex-godleey = 100 - 999 oo loo yaqaano Boqolaad.
- Afar-godleey = 1'000 - 9'999 oo loo yaqaano Kunaad.
- Todoba-godleey = 1'000'000 - 9'999'999 oo loo yaqaano Milyan.
- Toban-godleey 1'000'000'000 - 9'999'999'999 Bilyanaad.
- Toban-iyo-sadex-godleey 1'000'000'000'000 - 9'000'000'000'000 oo loo yaqaano Tiriliyan.
- Toban-iyo-Afar-godleey 10'000'000'000'000 - 99'999'999'999'999 oo loo yaqaano Toban-Tiriliyanaad
- Toban-iyo-shan-godleey 100'000'000'000'000 - 999'999'999'999'999 oo lagu magacaabo Boqol-Tiriliyanaad.