Aljaziira

Ka Wikipedia
Aljazeera
Widaax khanfar gudoomiyaha guud ee aljazeera

Kanaalka Aljaziira waxa uu saldhiguusu yahay wadanka Qatar.waa mid madax banaan oo ka madax banaan dawlada Qadar inkasta oo ay dawladaasi samaysay oo ay ku samaysay lacag dhan 150 milyan oo riyaalka qadar ah. waxaana uu shaqadiisa bilaabay sanadkii 1996. waxa uu xafiisyo ku leeyahay dhamaan wadamada carbeed, sidoo kale waxa uu xafiisyo kuleeyahay qaar kamid ah wadamada Afrika, aljazeera caan baxa ay caan baxday waxaa kadanbeeyay kadib markii ay ka shaqo galeen dhamaan saxafiyiintii ugu fiicneyd ee carabta, sida kuwii ka hawlgalijiray BBC London iyo qaarkale oo badan, Aljazeera waa saxaafaed dhex dhexaada oo aan cidna u eexan, Aljazeera waxa lagaxiray qaarkamid ah xafiisyadii ay kulahayd wadamada carabta sida Sacuudiga, Kuwayt, baxrayn, Aljeeriya iyo Tuuniisiya inkastoo qaarkood dib loofuray waxakale oojazeera aad looguyaqaanaa cajeladaha aarka ah e codka Usaama bin Laadin.

Xiligii furitaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kanaalka Ajaziira waxaa la furay sanadkii 1996 waxa uu kuyaalaa ama ay xaruntiisy tahay wadanka Qadar, magaca Aljaziira waxa laga soo qaatay jaziirada carbeed kinaalkani waa kinaal hawada ku jira oo caalamka meelkasta waa laga daawadaa waxaana samaysatay dawlada qadar ujeedadiisu waxa weeye sidii muwaadinka kuhadla afka carabiga loo siinlahaa war aan been iyo isdaba marini ku jirin ujeeda kinaalku waasidaa.laakiin taas waxaa kasoo gaadhy dhibaatooyin waawayn kadib markii laxidhay.xafiisyadii uu ku lahaa dalaka sucuudiga, baxrayn, tuunis, aljeeriya,kuwayt. inkastoo qaarkood dibloofuray.jazeera,waxa uu soo caan baxay.kadib markii uu fdagaaladii ciraaq iyo afgaanistaan uu maraykanku ku qaaday ay wariyayaashas jazeera,siruna ugasoo warameen taas oo maraykanlkanka ka cadhaysiisay.ilaa ay maraykanku ku sigtiin in ay duqeeeyaan jazeera.

Aljaziira waxaa kale oo ay ku caan baxday siidaynta cajaladihii Usaama bin Laadin oo ay sigaara usii dayn jirtay arintaas wariyayaasha Telifishinka Aljaziira waxaa soo gaaray dhibaatooyin fara badan oo dhimasho ay ku jirto waxa la xasuustaa markii ciidamada Maraynkanku ay duqeeyeen wariyayasha aljazeera oo saarnaa goor subax ah dusha xafiiskoodii baqdaad iyaga oo u diyaar garoobayay in ay diraan war halkaasna waxaa ku dhintay wariye Daariq Ayuub oo wariye ka ahaa Aljaziira waxaa kale oo tuhun lagu xukumay todoba sano oo xarig ah warihii aad caan ka u ahaa ee Tayasiir Calooni oo ay xirtay Dawlada Isbeyn.

Aljaziira waa shabakad balaaran waxayna ku baxdaa afafka Carabiga iyo Ingiriisiga, waxayna kaloo leedahay qaybo ciyaareed, iyo hal kanaal oo Carruurta ah waxaa kale oo ay leedahay qayb loo yaqaano Dokumentari oo ah mid laga daawado waxyaabihii horay u dhacay iyo dhaqanka waxa kale oo jira kanaal 24 saac hawada si toosa looga daawado {aljazeera live}.

Dadka ka sheqeeya[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Maamulaha guud ee aljizeeraa waa ninka lagumagacaabo shiikh xamad bin taamir alasani waxa ay ilmaadeer yihiin amiirka dawlada Qatar waxa ay jasiira ka koobantahay shabakad ay kamid yihiin kinaalo badni sida ciyaarha caruurta wararka iyo kinaalka (aljazeera live) waxa shabakada aljazeera maamula ninka lagumagacaabo widaax alkhanfar oo falastiini ah waxa loodhiibay maamulka iyo maaraynta aljazeera sanadii 2003.

Martabada aljazeera[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Martabada aljaziira ee dhanka daaawashadu waa mid aad usareeya. waxaa lagu qiyaasay in ay aljaziira sixidhiidha u daawadaan maalinkasta in kabada 150 milyan oo qof aljazeera waxa ay siidaysaa barnaamijyo aad uxiiso badan gaar ahaan kinaalda ingriisiga iyo carabiga ee wararka waxa kabaxa barnaamijyo aad looxiiseeyo badi dadyawga carabtu waxa ay wararka ka qaataan alzeera oo lagu yaqaano warhufnaan iyo war aanay wax khaladaadi kujirin aljzeera waxa ay dhawrtaa astaanteeda oo ah labada dhinacba sidaas awgeed aljasiira waxa ay warakeeda iyo barnaamijyadeeda kusiidaysaa qaab ah labada dhinacba iyada oo laeegayo.

Eeg waliba[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Aljazeera.net