Araarso
araarso waa dagmo ka mida gobolka Jarar waxayna u dhaxaysaa dagmada qabribayax ee Gobolka Faafan iyo Maamulka Magaalada dhagaxbuur ee Gobalka Jarar, Waa Degmo la ansixiyay 2003 taariikhda Itoobiya waxaa dega beel ahaan beesha Abaskuul ee Jidwaaq Absame, gaar ahaan [Reerka la dhaho Ciise yuusuf ama Ciise abaskuul, reer ibrahin Abaskuul, ismaciil, Reer xassen Cismaan iyo reerka la dhaho wacaysmoge
Degmada araarso waxaa ugu hor degay Reerka la dhaho Ciise Yuusuf ama [Ciise Macabsade] ayaa ugu badan oo ugu guryo badan dhismayaasha ku yaala Waana dagmo ku wacan wax soosaarka inta badan dhaqaalahoodu wuxuu ku xidhanayahay xoolaha nool iyo beeraha. Waa degmo ku xeel dheer hufnaanta iyo kala danbaynta sharciga, Araarso waxay isku xirtaa meelo badan sida wardheer iyo xadka wajaale waxayna leedahay Ganacsi aad u baalaran oo isugu jira dhanka xoolaha iyo baayac mushtarka bagaashka iyo raashinka nooc yihiisa kala duwan.