Bocor guduud

Ka Wikipedia
Several large pumpkins

Bocor ama bocor guduud (Af-Carabi: قرع ama يقطين , af-ingiriis: Cucurbita pepo ama pumpkin) waa nooc ka mida dhirta la cuno u samaysan sidii giraan le'eg qaraha marmarna ka wayn leh liidad godan, korkiisuna sabiibax yahay, midabkiisu waa jaalle madow xigeen ah iyo orange, qolofkiisu adgyahay, gudahana ku leh hilib iyo miro, qaarkiis ayaa aad u waynaada, hadba wadanka la joogo ayay ku xirantahay waynaantiisa iyo qaabkiisa, waxaa la sheegaa inuu ka soo jeedo woqooyiga ameerika, mirihiisa ayaa la sheegaa in laga helay maxico waa aad u horeeyay, waxaa la cunaa markii la kariyo, soomaalida ayaan aad u adeegsan bocorka waxay ku darsadaan oo kali ah suugada, wadamada qaar ayaa caadi looga cunaa isagoo la dubay ama la kariyay, Maraykanka , kanada shiinaha yurub iyo maxico ayaa la cunaa waqtiga ciidaha isagoo loo sameeyay jaadad kala gadisan, Hindiya ayaa laga cunaa markii lagu daro qudaar kala duwan sida basbaaska waxaana loo yaqaan kadu, Guanshi shiinaha ayaa laga cunaa caleenta bocor guduudka markii la kariyo, Thailand iyo wadamada koonfurta aasiya ayaa aad u isticmaala markii lagu kariyo hilibka , wadamada qaar ayaa ka sameeya khamrada, miraha bocorka ayaa iyagana laga cunaa wadamada qaar, guud ahaan dunida ayaa aad looga isticmaala bocor guduudka.

Samayskiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

wuxuu ka samaysan yahay bocor guduudku:

  • Qolof sare
  • Biyo
  • Sokor
  • Saliid
  • Barootiin
  • Xadiid (bir)
  • kaalshiyam
  • fiitamiin A

Isticmaalka kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

bocorka ayaa la gasaceeya waxaana loo isticmaala daawo u roon calool istaaga iyo qabsinnada caloosha iyo calool baxa, waxaa kaloo loo lagu quudiyaa eeyaha iyo bisadaha cunto ahaan, digaaga ayaa la siiyaa si loo dhamaystiro nafaqada ukumaha, baaritaanada laga sameeyay bocorka ayaa lambar kow akaga jira waxyaabaha faaiidoonka leh.

waxaa laga miiraa saliid loo adeegsado waxyaabo badan.

waxaa la dhex galiyaa layr markii la dulduleeliyo, si loogu qurxiyo meeleha xafladaha

Waxtarkiisa xag daawo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Baaris cusub oo lagu sameyay bocorka aya waxa ay sheegtay in uu ku jiro vitaminda kala ah vit-A, vit-C, vit-B, sido kale mirihisa waxa laga hela faa’idoyin fara badan . 50gr oo la isku cajiimo muddo todobad ah waxa uu babi’iyaa bahalada caloosha gala sida: ASCARSS, sido kale waxa loo qaata bararka ku dhaca borostaatada dadka da’da ah ee kaadida dhibta wuu u roon yahay, waa hadii loo qaato shaah ahaan 20gr iyo galaas biyo ah ka dhigo sida shaaha oo kale seddax jeer maalinti.[1]baaritaano ayaa sheegaya maadooyinka kiimikada ah ee ku jira bocorka in ay saamayn wanaagsan ku leedahay insooliinka iyo kulukooska sokorta markii la baarayo, maadooyinka uu ka samaysanyahay bocorka labo ka mida waxaa lagu daaweeya doolliga qaba sokorowga in ka badan lix todobaad, taasoo keenta hoosu dhac ku yimaada sokorta dhiiga,

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

bocor beer ka baxaya
ubaxa bocor guduudka waana meesha miraha noqota
ubixii oo sii go'ya iyo mirtii oo kasoo hoos dhalanaysa
bocor ka baxaya Winchester, Oregon maraykanaka
Pumpkin pie is a popular way of preparing pumpkin.
bocor gasacadaysan
miro bocor
saliida bocorka
miro bocr oo loo adeegsan rabo in layr la dhex galiyo guryahana lagu ifiyo