Budhcad badeeda geeska afrika

Ka Wikipedia

Budhcad badeeda geeska afrika

Xeebaha somalia ilaa meelaha ay gaareen
  • Suunka marcabka macaduwan
  • Lacata: 150 million dollars +

Burcad badeeda geeska afrika waa tuugo maraakiibta afduubato. Waxeyna bilaabatay 2004tii, waa markii ay kaluumeesatada u dulqaadan waayeen maraakiibta shisheeye oo kaluunka ka xaluufsato xeebaha dalka iyo markii ay badda soo tuftay suntii nuclearka ahaa xiligii ay soomaaliya soo gaartay tsunaamigii ka dhacay qaarada aasiya.Burcad badeeda waxey maanta dhib ku haayaan shacabka soomaaliyeed, waxaana taas ugu wacan lacagaha malaayiinta doollarka ah oo la siiyo. burcad badeedaan waxey maraakiib ka soo afduubtaan biyaha ka baxsan xeebaha soomaaliya.

Sunta lagu qubay xeebaha Somalia[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida la ogyahay waddamo badan oo ka mida bahda loo yaqaan "dunida soo koraysa" ayaa waxay bar tilmaameed u noqdeen Burcadda sunta gu aasta dhulalkooda oo aan inagu kamidnahay.

Waddnmaha Habsi[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Daraasad ay samaysay Jaamicadda la yiraahdo American University ee Washington (1996) waxay ku qiyaastay in hal tan oo qashin ah ay ku baxdo ilaa US$ 3000 marka ay noqoto in waddankii soo saaray nadiifintiisa iyo xafididdiisana u qalab-qaato halka ay haddii qashinkaas loo dhoofiyo dunida soo koraysa ay ugu kacdo waxaan ka badnayn US$ 5 (shan doolar) halkii tan-ba. Somalia kamid ma ahan wadamdii ku heshiiyey in ay isdhaafan karaan qashinka sunta halista ah sida aad map kaan uka jeedo Blugga waxa uu cadeeynagaa wadamdii saxiixay in ay isku soo qaadi karaan sunta, Gaduudkana waxa uu muujinayaa in aan loo soo qaadi karin sunta, inta kasoo hartayna maba saxiixin.

Bulug wadamada saxiixay ee isu qaadi kara sunta Gaduudka wadamada saxiixay laakiin aan loo gayn karin wax sun ah

(Basel Convention on the Control of Transboundary Movements of Hazardous Wastes and Their Disposal).

→ Wadamada saxiixay in ay sunta isku qaadi karaan.
→ wadamada saxiixay laakiin aan wada shaqayn kala dhaxayn in sun la isu qaado.