Jump to content

Cabdi Indhadeero

Ka Wikipedia

Cabdi Cawad Cali oo loo yaqaano Indhadeero, Indhadeero wuxuu ahaa ganacsade Soomaaliyeed mulkiilihi iyo aasaasihii shirkadda Indhadeero Group of Companies (CEO). Waxaa loo yaqiinnay inuu ahaa ganacsadaha ugu hantida badan magaalada Burco,

Abdi cawad indhadeero
Cabdi Indhadeero

xaaji cabdi cawad oo cimraysanaya


ganacsade

Macluumaad gaar ah

Ku dhashay 1943
waridaad, Somaliland
Geeriyoodey 2006-da.da 63
burco
Is guursadeen xaawa cali mire, Absia
Rooda Axmed Cumar
Diinta Islam


Xaaji Cabdi Awad Cali wuxuu ku dhashay sannadkii 1943 magaalada waridaad, oo markaas ka talinasay British Somaliland. Wuxuu kasoo jeeday qoys reer miyi ah oo xoolo dhaqato ahaa, kana koobnaa laba gabdhood iyo saddex wiil. Xaaji Cabdi wuxuu ka soo jeeday beesha looge maxamed, ee reeryoonis, oo ka mid ah laamaha muuse abokor oo Habar Jeclo, ah ,

Markii uu jiray 7 ilaa 8 sano, Xaaji Cabdi wuu agoomoobay kadib markii labadiisi waalid dhinteen. Taas ayaa sababtay in uu 12 jir markii uu ahaa u wareego magaalada Burco, si uu nolol uga raadsado.

Cabdi Cawad Cali oo loo yaqaano Indhadeero, Indhadeero wuxuu ahaa ganacsade Soomaaliyeed mulkiilihi iyo aasaasihii shirkadda Indhadeero Group of Companies (CEO). Waxaa loo yaqiinnay inuu ahaa ganacsadaha ugu hantida badan magaalada Burco, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ugu caansan uguna sumcadda badan. mulkiilihi shirkada DEERO GROUP oo kamida shirkadaha ugu hantida badan soomaalida dhexdeed. Ganacsigeedu wuxuu guud ahan gaadhay Somaliland ilaa Ethiopia iyo gobolada Puntland. Shirkada hantideeda waxaa lagu qiyaasay markii ay warbixino ka diyaarisay shirkad ajanib ahi tijaarta dalka hanti gaadhaysa 761million oo dollar. Shirkadu waxa kalo ay leedahay dhismayaal waaweyn oo ku kala yaala Hargeisa, Burco, Berbera, Wajaale, Boorama Iyo Gebilay. Shirkadu waxay soo dejisaa dhamaan maciishadaha kala duwan shirkadaha geeya ganacsiga ugu weyn dalka Ethiopia.

marxaladihi ganacsigiisa

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xaaji Cabdi wuxuu ganacsigiisa ka bilaabay magaalada Burco isagoo ka shaqaynayay heerka ugu hooseeya, wuxuuna iibin jiray alaabooyin yar yar sida tooshashka, maqasyo, irbado, iyo sigaar. Si tartiib ah ayay faa’iidadiisu u korodhay, wuxuuna sannadkii 1960 aasaasay shirkadda Indhadeero Group of Companies. Sannadkii 1962, wuxuu bilaabay inuu alaabooyin kasoo dhoofiyo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, si uu uga iibiyo Burco, isagoo xiriir la yeeshay ganacsatada kale ee deegaanka.

Sannadkii 1967, Xaaji Cabdi wuxuu Burco ka furay saddex dukaanno ganacsi, wuxuuna markii dambe, sannadkii 1972, furay xawaalad, taasoo u adeegaysay dirista iyo helista lacagaha u dhexeeya Soomaaliland iyo dadki Soomaaliyeed ee ka shaqaynayay wadanka Carbeed (Gulf-ka).

Indhadeero Group waxay ka mid noqotay laba shirkadood oo waaweyn oo ganacsi Soomaaliyeed ah oo kobcay intii lagu jiray barwaaqadii shidaalka ee 1970-meeyadii. Shirkadda kale waxay ahayd Dahabshiil. Labadooduba waxay door muuqda ka ciyaareen dhaqaalaha gudaha ee Soomaaliya.

Markii la gaaray 1983, shirkaddii Xaaji Cabdi aad bay u ballaaratay, waxayna bilowday dhoofinta xoolaha iyo soodejinta alaabooyin kala duwan sida raashin, dhar, agab dhismeed, qalab baabuur, iyo badeecooyin kale oo muhiim ah.

Intii lagu jiray bilowgii dagaalkii xoraynta Soomaaliland, taliskii Siyaad Barre wuxuu bilaabay dhibaateynta dadka Isaaq ee woqooyiga. Bishii Diseembar 1984, Xaaji Cabdi waxaa la xidhay waxaana lagu xukumay dil toogasho, isaga iyo 44 qof oo kale, oo lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin SNM. Si kastaba ha ahaatee, daqiiqadihii ugu dambeeyay wuxuu ka badbaaday xukunkaas, isaga iyo nin kale oo ganacsade Burco ah, sababo la xiriiray dayn badan oo ay bangiyada ku lahaayeen.

Sannadkii 1992, ganacsato habar jeclaa reer Berbera ah oo uu horkacayay Xaaji Cabdi waxay bilaabeen dhisidda goobo ganacsi, iyagoo isticmaalaya dekedda dabiiciga ah ee Ceel Gerde (23km bari ka xigta Berbera) si ay alaab iyo xoolo uga dhoofaan ama ugu soo dejistaan.

Markii la gaaray 2002, Xaaji Cabdi wuxuu noqday ganacsadaha ugu weyn ee isticmaala dekedda Berbera. Sannadkii 2004, wuxuu ka mid noqday tiro yar oo ganacsato Isaaq ah oo xukuma ganacsiga dhoofinta iyo soo dejinta alaabaha Somaliland. Wuxuu noqday ganacsadaha ugu weyn ee keena agabka dhismaha, taasoo door muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska dalka dagaalka ka dib, sidoo kalena wuxuu ahaa dhoofiyaha ugu weyn ee xoolaha nool ee ee dalka Sacuudi Carabiya.

Markii dambe, Xaaji Cabdi wuxuu hormuud u noqday dhoofinta xoolaha, wuxuuna ka mid noqday kuwa ugu saameynta badan ee ku jira suuqyada xoolaha dhoofinta. Intii u dhaxaysay 2005–2006, shirkaddiisa waxaa lagu qiyaasay inay ka badan tahay qiime dhan $680 milyan oo doolar.

geeridiisi iyo wuxu ka tegay

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xaaji Cabdi wuxuu ku geeriyooday magaalada Burco, Somaliland, 6-da Luulyo 2006. Shirkaddiisii, Indhadeero Group of Companies, waxaa hadda maamula wiilashiisa. Shirkaddu waxay leedahay hanti dhismayaal dabaqyo dhaadher oo aad u fara badan oo ku yaala burco , berbera, hargeisa, wajaale, Kuwa ugu caansan waxa kamida Deero Mall, oo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee ku yaalla Hargeysa, caasimadda Somaliland.