Burco

Ka Wikipedia
Burao

Burco

برعو
Magaalo
Burao cityBurao city center
Burao CityBurao city
Burao shopping mall
Flag
Seal
Burao is located in Somaliland
Burao
Burao
Waxay Somaliland kaga taal.
DalkaFile:Flag of somalia.svg Somaliland
GobolTogdheer
DegmoBurco
Joogga
1,037 m (3,402 ft)
Tirada dadka
 • Dhammaan280,000
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha+25263 (Somaliland)

Burco (af Ingriisi: Burao, af Carabi: برعو) waa magaalo ku taala gobolka Togdheer ee dalka Somaliland. Burco waa caasimada Labaad ee dalka, waliba waa magaalo qiima badan leh kadib markii shir lagu qabtay oo lagu aasaasayay jamhuuriyadda Somaliland. Togga Togdheer ayaa magaalada dhexmarta oo laba u qaybisa marka ay roob dhacdo, laakin laba biriij ayaa isku xidha labada qaybood ee magaalada: Biriija Cusub iyo Deero Bridge.

Ninkii ugu horeeyay ee burco guri daara ka dhista wuxuu ahaa nin la odhan jiray Xaaji Ahmed Yuusuf (Qulumbr) kana soo jeeda beel waynta Siciid Ismaciil sh.isxaaq. Burco Waa Gobalkii Raga!waxana ka jira in mar marka qaar dadku ku magacaabo beesha Cali siciid magaalada

Qabaa'ilka Dega[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Markaynu ka hadlayno beelaha ama qabaa'ilka daga Somaliland, Burco waxaa si gaar ah u daga beesha Habar yoonis iyo besha habarjeclo . Hase yeeshee waxa kaloo dega in yar oo beesha Ciise Muuse iyo Arab bari gaar ahaan cabdale arab oo iyagu ka mid beelihii ee burco aasaasay isla markaana ceelashii ay burco ka soo bilaabantay ah iyo Fiqishiini oo ka tirsan beel-weynta Hawiye, iyo beelaha Gabooyaha. Dhammaan beelahaasi waxay si guud uga wada shaqeeyaan danta magaalada iyo dalka.

Muuqaalka guud[wax ka badal | wax ka badal xogta]

File:Jaamacada burco.jpeg
jaamacada burco


Daadka Degaan Burco[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Muuqaalka guud dee adba waad iska garaysaa


Muuqaalka guud ee magaalada Burco waa mid aad u wanaagsan wakhtigan xaadirka ah, marka loo eego xiliyadii hore ee ay Burco soo martay. Guud ahaan magaalada waxa ka socda dhismayaal kala duwan, waana magaalo koriinkeedu socdo oo ay marba marka ka dambaysa wax ku kordhayaan….

Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

magalaada burco waa magaalo ku caana dhinaca waxbarashada sababtoo ah waxa ka soo jeeda magaalada burco aabihi waxbarashada soomaaliyeed maxamuud axmed cali. Magaalada burco aad ayey ugu fiicantahay waxbarashada marka loo eego dagaaladii iyo qalaasihii ay kaga danbaysay dalka intisa kale waxaana ku yaala dugsiyo ilaa 200 dugsi oo isugu jira Hoose, dhexe iyo 116 dugsi oo ah kuwa sare iyo sideed jaamacadood oo ah University of Burao iyo togdheer University iyo golis university alpha University shifo University new generation University najah University abarso teach University. Dadweynaha reer Burco waxaad moodaa inay aad wax u bartaan oo ay waxbarashada wadaan guud ahaan marka aad eegto qiyaasta dadka wax barta waxaan odhan karnaa waa ilaa 70% oo u badan dhallinyaro. waxaa ka jira dugsiya badan oo gaar loo leeyahay sida Smart primary and secondary school,Ilayska Togdheer Schools ,iftin,faaruuq,cabdalenuuri,iwm,hadaba markaynu eegno dugsiyadaa waxaad moodaa inay ka anfac badan yihiin kuwa dawliga ah ama public ah sida schoolka smart oo kale waxa ay ardaydiisu muujiyeen dadaal aad iyo aad u heer sarreeya,waxa jira qiimayn lagu sameeyo ardayda ka qayb gasha imtaxaanaadka fasalada 8aad ee dugsiga dhexe halkaas oo ay wasaarada waxbaashadu soo gudbiso 10ka arday ee uguu sarreeya imtaxaanka hadaba guusha uu ka gaadhay schoolka smart imtaxaanaadkaas maa ha kaliya guul u soo hoyatay dugsiga ama schoolka hase ahaatee sidoo kale waxay guul u soo hoyatay gobolka togdheer oo uguu faanidoona gobolada kale ee wadanka. Burco aad ayey u wanaagsantahay waxbarashada balse waxa siweyn loo eedeynayaa wasaarada waxbarasahada oo dadka markaad weydiiso Waxbarasahda gaarka ah iyo Xukuumada tee baa fiican waxa qiraal ah inay tan gaarka ahi aad uga horeyso ta kale.

Dhaqaalaha & Ganacsiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Marka aad eegto ila dhaqaalaha magaaladu ay leedahay ee la isla yaqaanay waxay ahayd Burco oo ahayd Saylada ugu weyn waqooyiga jasiirada Soomaaliyeed ee iibka xoolaha taasina haatan waxa u laaban albaabada tan iyo xiligii la joojiyey Dhoofkii xoolihii la geyn jiray wada gacanka carbeed, Haatan dhammaan dalku waa kasoo kabtay dhaqaalihii ishaa kaliya ahaa ee xoolaha nool.

Burco sido kale way kasoo kabatay oo aad ayuu isaga socda ganacsi aan xadlahayn hadaba markaad eegto xidhiidhada ganacsi ee ay burco la leedahay aduunka waxay siweyn ugu xidhantahay oo dhaqdhaqaaqeed alacageed laga xukumay suuqyada taasoo sabab ay u tahay lacagta giinbaarta ah ee ka dhaxayso iyaga iyo dalkii hore la isugu odhan jiray soomaaliya oo aad u ragaadisay dhaqaalaha Gobolka guud ahaan gaar ahaan magaalada Burco.

Dhinaca ganacsiga waa kala dabaqado duwan yahay waana mid markasta socda haday noqoto ganacsiga shirkadaha waaweyn kan dadka caadiga ah waa mid furan oo socda waqti kasta, isku soo wada duub oo burco dhaqaalaha guud ahaan gobolka Togdheer wa mid aad u liita o ay ragaadisay lacagta giinbaarta oo lagu qiyaasay inay gaadhayso ilaa 250 kun US dolers ah.

Mashaariicda horimaranya gobolka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Guud ahaan gobolka waxa ka socda mashruucad badan oo horumarideed isada mashuuca wadada labaad ee la jaraynayo in la bilaabo magadala dhexdeeda.

Intii dawalad cusubi dhalatay gobolkan Togdheer, waxaa ka shaqeeya shan warshadood oo soo kala saara biyaha iyo sabuunta buda ah, sida waxshada Ilays oo iyadu soo saarta sabuunta buda ad, iyo Bail oo iyadu soo saarta sabuunta buda ah.

Warshadaha kale ee ka shaqeeya Burco waxaa ka mid ah:

《ilays》 ▪︎ilays detergent bowder ▪︎ Warshada Taydha Indhadeero ▪︎ Warshada Biyaha Maaxda Togdheer ▪︎ Warshada Xareeda ▪︎Warshada Biyaha Saxsaxo ▪︎ Warshada Marmarka Guryaha ▪︎ Warshada Furshaanta ▪︎ Warshada Cabitaanka Coco Happy ▪︎ Warshada Hargaha ▪︎ Warshada Adhiga Jaqiiqa Yaryar ▪︎ Warshada Biriijyada iyo Dhismaha Wadanka


File:Shiikh bashir brayiing.jpeg
Somali dadka macaduwan burao 1920

Dhalinayarada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxa si weyn dhibaato ugu haya magaalada Burco dhalinayradii oo si weyn uga tahriibay oo aad uga baxay magaalada Burco oo markasta la soo sheegayo raxan dhallinyaro ah oo gaadhay dalka liibiya oo ah dariiq looga sii gudbo qaaradda Yurub.

Sida kale dhallinayradu waxa ay ka tahriibayaan oo ay ka baxayaan waa dhibaatooyin la soo darsay una baahan wax ka qabasho weyn in laga sameeyo.

Xaafadaha Burco[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Burco waxaa ku yaala xaafado bn oo aan la tirin karin, kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

[1]maxa

[28]

Saylada Xoolaha ee Uguwayn Somaliland[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Burco iyadoo ay fooda inagu soo hayso Ciiddii Arafo ayaa Saylada Xoolaha ee magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer Laga dareemaayaa dhaq dhaqaaq aad u balaadhan oo la xidhiidha kala iibsiga xoolaha nool, Salada Xoolaha Magaalada Burco ayaa kamid ah Sayladaha ugu waaweyn Togdheer,maadama oo ay kutaalo Gobolka ugu Xoolaha badan wadanka,


Saylada ayaa waxa laga dareemayaa mashquul aad u balaadhan, iyada oo loo diyaar garoobayo Ciidda weyn ee Ciidul Udxa ayaa Xooluhu ka imanayaanDeegaanad hoos yimaada Gobolkan iyo waliba dhammaan dhulka ay somalidu degto,xolaha lagu iibsado Saylada magaalada Burco ayaa laga dhoofiyo Dekeda weyn ee magaalada Berbera iyadoo intooda badana loo iibgeeyo Dalka Sucuudiga iyo wadamo kale oo carabta ah,wxana wakhtigan si joogta ah uga ganacsada Saylada Burco Shirkado waaweyn oo ay kamid yihiin, INDHADEERO, AL-JAABIRI,AL- XUSAYN, Jibril Ali Musse iyo waliba kuwakale oo badan ,

Aadan Axmed Diiriye (baradho)oo kamid ah ganacsatada xoolaha iibiya oo aan la kulanay ayaa sharaxaya wakhtigan sida Xoluhu usoconayaan waxanu yidhi”jawiga Sayladu wuu wacanyahay waxaynu ku jiraa wakhtigii Mooshinka Xajka oo haatan gebgebo ah islmarkaana ay ka hadhsanyihiin waxan wiig kabadnayn, xoolaaha iibkooduna waa neef iyo sarartii waana isbed bedeshaa oo maalinba waa sixir gaara, maalintii waxaanu iibsanaa marka Burco iyo hargaysa laysku daro 40.000 ILAA 30 000 oo neef ku waas oo aan u iib gayno wadamada arabta”

Axmed oo kamida Ganacsatada islamarkaan ah Gudomiyaha Degmada Dhoqosha ayaa isna sheegay wakhtigan inay xooluhu xoog usoconayaan maadaama buu yidhi ay anu ku guda jirno udiyaar garawga Xajka, waxa kaloo uu mr, Axmed carab ka ku dhuftay inay maalmahan xoolaha sixirkoodu hoos u dhacay taasoo uu ku sifeeyay inay Xoolihii waa weynaa joogsadeen islamarkaana ay bilabmeen kuwii yar yaraa ee Gawraca.

Burao waxa joogo dad gafuur culus ah taas oo dumarku ka cabtaan markasta intaas waa hadalka burao Iyo nuura bashe xasan



{

Magaalooyinka Gobolka Togdheer Calanka Soomaaliya
Burco · Buuhoodle · Oodweyne · Sheekh

Sido Kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Halkan burco ka eeg[wax ka badal | wax ka badal xogta]

[1] [2]

  1. maxadka
  2. Sheffield (Oktoobar)
  3. Hodan Qaylo
  4. Aleeli Tuurta
  5. Jarmalka
  6. cuqubo
  7. cakaara
  8. Garbadda
  9. Dubai
  10. Dhuurta
  11. Afgooye
  12. Kiiniyadda
  13. Lafoolaydda
  14. Maxamed Cali
  15. Sayladda
  16. Barsiigo
  17. City Plaza
  18. Aden Selebaan
  19. Barqodhereg
  20. London
  21. Nafaqo
  22. Hawlaha Guud
  23. Badda Cas
  24. Guryo Samo
  25. Shacabka
  26. allaw wad na aragtaa
  27. sabir iyo iimaan
  28. burao somaliland.2023 Isniin