Oodweyne

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Oodwayne)
Oodweyne

Oodweyne

أودواين
Magaalo
Flag
Oodweyne is located in Somaliland
Oodweyne
Oodweyne
Waxay Somaliland kaga taal.
DalkaFile:Flag of somalia.svg Somaliland
GobolDaadmadheedh
DegmoOodweyne
Joogga
1,037 m (3,402 ft)
Tirada dadka
 • Dhammaan450,031
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha+25263 (Somaliland)

Oodweyne(af Ingriisi: Odweine, af Carabi: أودواين) waa magaalo ku taalo dalka Somaliland, waxayna ku taala badhtamaha wadada Hargeysa iyo Burco. Magaalada waxaa dagan, dad lagu qiyaaso 30,000 oo qof. magaalada waxaa ku wareega, buuro iyo dooxyo biyo mareen ah, sida oo kale waxa ay degmadani caan ku tahay, dhul daqsineedka iyo beero labadaba.

Oodweyne Magaalo madaxda Gobolka Daadmadheedh, waxaana ay degmanimada qaadatay 1963, waxaana magaaladan gudaheeda deggan dad lagu qiyaaso 30,000 oo qof. Magaalada Oodweyne waxaa ku wareegsan buuro qaddiimi ah, sida buurta Qargabil, oo ah goob laga helo aasaaro qaddiimi ah. Oodweyne waa magaalo facweyn oo ay degsiimadeeda ku aroorayso qarniyadii dhexe, waxaanay isku xidhi jirtay ganacsigii u kala gooshi jiray Hawdka iyo magaalada Berbera. Oodweyne waxa ay ka mid ah tahay meelihii ugu horreeyay ay timaado ganacsato shisheeye, waxaana degganaa qarniyo badan ganacsato Carab iyo Hindi ah, kuwaas oo ay ilaa maanta ay hantidoodii magaalada ku dhex yaalliin.

Magaaladani waxa lagu xasuusta kaalintii ay ka ciyaartay halgankii Gobonnimo doonka Somaliland ee lagu la diriray gumaystihii Ingiriiska, waxaana Magaalada Laanmullaaxo ee Degmada Oodweyne sannadkii 1956 laga aasaasay Ururkii Gobonnimo doonka ahaa ee Xisbullaahi. Sida oo kalena waa meelihiu ugu horreyay ee laga taakuleeyo halgankii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Waxa sidoo kale magaalada Oodweyne ay qayb laxaad leh ka qaadatay halgankii SNM.

Magaalada Oodweyne waxa ay caan ku tahay beeraha iyo daaqsinka xoolaha, waxaana dhulka ay Degmadu xukunto mara toddoba tog oo waaweyn, kuwaas oo baryihii hore looga soo dhaan doonan jiray dhulal aad u fog. Bulshada ku dhaqan Magaalada Oodweyne waa dadkii ugu horeeyay ee debadda u dhoofiya xoolo nool muddo hadda laga joogo qarni, sida oo kale na waa meeshii ugu horreysay Gayiga Soomaalida ee laga qodo barkad ama baraage.

Dadka caanka ah ee ku dhashay Oodweyne[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaca Meeqaamka
Suldaan Diiriye Sugulle Madax Dhaqameedkii Soomaalida ugu caansaa
Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Madaxweyne ugu horreeyay Somaliland
Axmed-Sayid Sheekh Muuse Aasaasihii Ururka Xisbullaah 1956
Maxamuud Axmed Cali Aabbah Waxbarashada Soomaalida
Cali Sugulle Duncarbeed Abwaanada ugu caansan Soomaalida
Maxamed Axmed Kuluc Fannaaniinta ugu caansan Soomaalida
Maxamed Xaaji Muuse Haragwaafi Halgamayaashii ugu caansanaa SNM
Maxamed-Cali Dalmar Halgamaagii ugu caansanaa SNM
Ismaaciil Sh. Axmed Cagaf Abwaanada ugu caansan Soomaalida
Yuusuf Jaamac Bullaale Madaxdiin Saraakiishii Ururka SNM


Taallada Xisbullaahi
Taallada Xisbullaahi




[1] [2] [3] [4] [5] [6]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sidoo kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]