Abwaan

Ka Wikipedia

Abwaan (Af Ingiriis : Poet; Af Carabi : ar‎) waa qof leh halabuur isla markaana sameeya, tiriya ama aqoon u leh tixaha, tiraabta, gabayayada, geeraarka, maansada iyo wixi la halmaala. Abwaanka waxaa laga yaaba in qey kali ah ka yaqaano Suugaanta, ama aqoon aad u dheer u leeyahay.

Hordhac

Gabyaa waxaa lagu magacaabaa qofka qora ama maskaxdiisa ay ka soo maaxato murtida sida Gabayada, geeraarka iyo noocyada maansada qaybo ka mida. Sidoo kale anbwaanku waxa uu qoraa buugta gabayada iyo buugta caadiga ah ee sheekooyinka dhaqanka.

Qeexiddaasi waa tan ugu caansan ee dadka badidood u yaqaannaan ereyga 'abwaan' balse sida saxda ah waxaa weeye in abwaan uu yahay qofka KU XEEL DHEER dhaqanka, hiddaha iyo sooyaalka reerkiisa, dadkiisa ama deegaanka. Sidaa daarteed, qasab ma ahan in abwaanka uu leeyaha hibo hal-abuurnimo.

Abwaan ayaa jiri karo aan gabay iyo maanso midna tirin aqoon. Had iyo jeer abwaanka waa qof da' weyn ama sida qaalibka ah waayo arag ah sila markaana muddo noolaa. Laakiin gabayaaga, oo maansayahanna la dhaho da' shardi uma aha oo waxaa la arkaa gabayaa iska da' yar oo xeeldheeri iyo afmaalnimo ku caanbaxa. Sidaa darteed Qaamuuska Afsoomaaliga ee 1976dii la qoray macnaha labaad ee ereyga abwaan waxaa loo qaatay buugaagta lagu keydiyo kasmooyinka kala kaanka ah oo afka qalaad lagu dhaho encyclopedia.

Abwaanada Caanka ah

Dadka Soomaalidu waxay leeyihiin suugaan qani ah taasi ooy ka qeyb qaateen tiro badan oo dad ah. Tan ilaa wakhtiyo aad u horeeyay ayay dadka Soomaalidu lahaayeen abwaano iyo gabay-yahano. Halkan waxaan ku soo qoraynaa dhowr qof oo ka mid ah Abwaanada caanka ah; kuwaasi waxaa ka mid ah:

Sidoo kale fiiri

Tixraac