Tix

Ka Wikipedia

Tix (Af Ingiriis : lyrics) waa ereyada ay ka samaysan tahay heesi kuwaasi oo la isku raaciyo kooxo. Sida caadiga ah tix waxaa la odhan karaa waa bayd ka tirsan gabay ama geeraar, kuwaasi oo marka laxan la saaro laga dhigo hees.

Tusaale

File:Hibo Nuura.jpg
Fanaanada Hiba Maxamed Hodoon.
File:Jubba11.jpg
Fanaanka C.Qaadir Juba.

Heesta Hal Qudha waa mid ka mid heesaha qaraamiga heerka dhexe ee suugaanta Soomaaliyeed midaasi oo si talan-taali ah u wada qaadaan fanaaniinta kala ah Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) iyo C.Qadir Macalin Jubba.

Heestu waxay soo baxdey sanadkii 1987.

Ereyada heesta waxay u qoran yihiin sidan:

Jubba:

Waa Sheeko Hodan ah ee Aan ka jaro hingaadee Hallow Hallow

Hibo:

Nafbaa ku heeybineeysoo Kuu Hamuun qabtee Hallow Hallow

Jubba:

Sida heego Rooboo Hilimadeeda haliimiyo Inta uu nugaal helay Haradii biyeeyo Mudo badan ku hooray 2x

Dhirtuu ka haqab beeshoo Ubaxii ka hagac yidhi Oo loo wada han weeyn yahay 2x

Markaan helo warkaageey Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambalyeeyaa 2x

Hood iyo aayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x

Hibo:

Raggu kala haboonee Halyeeyada wakhtiga kacay Kii ugu horeeyee Naftu ku hiiraneeysoow 2x

Sida hanad aan dhalay baan Himiladaada wacan iyo Horumarkaaga jecelahay 2x

Oo aan hurgumadiyo Aaan halista kaaga dhoowraa 2x

Markaan hello warkaagay Naftu hii kacdaayoo Farxad ku hambeelyaa 2x

Halqudheynu nahayoo Kaama hadhi karaayee Hood iyo ayaan iyo Calaf ha isku keen simo 2x

Heesta Halqudha oo cod dhagaysi ah waxaad ka heli kartaa Halkan

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Tixraac

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: